Daawo Video: Farmaajo oo magaalada Houston kaga qayb galay barnaamijka qaaraan qaran..!!!

Houston (Caasimada Online) – Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku Dhaqan Magaalada Houston, Taxes ayaa si weyn u soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia, ahna gudoomiyaha Xisbiga Tayo, Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo.

Mudane Farmaajo ayaa jaaliyadda Houston kala qayb-galay barnaamij loogu magac-daray Qaaraan Qaran oo ah qorshe lagu taageerayo Xisbiga Tayo, iyadoo goobtaas ay goobjoog ahaayeen in ka badan 1,000 oo si weyn u buux-dhaafiyay madasha ay xafladdu ka dhacday; iyadoo dadka barnaamijkan kasoo qaybgalay ay isugu jireen; culummo, waxgarad, arday, haweenka, dhallinyarada, iyo weliba macallimiinta wax ka dhigta Jaamacadaha gobolka Taxes.

Barnaamijka Qaaraan Qaran ayaa ah qorshe loogu talo-galay in lagu badbaadiyo Qaranka Soomaaliyeed si loo helo dowlad caadil ah oo ay dhisteen shacabka Soomaaliyeed oo 25-kii sano ee lasoo dhaafay ku jiray burbur iyo dowlad la’aan, wuxuuna qorshahani ka billowday magaalada Minneapolis; wuxuuna ku faafay gobollada Maraykanka iyo wadamada ay ku nool yihiin Soomaalida iyadoo dalkii ugu dambeeyay ee lagu qabto Qaaraan Qaran uu ahaa dalka Koonfur Afrika.

Prof. Warsame Xasan Cali oo ka mid ahaa qaban-qaabiyaasha xafladda ayaa yiri. “In la raadiyo Qaaraan Qaran ayaa xalku ku jiraa; 10-ka doollar meesha kugu dhaw ku rid bishii. Qaaraan Qaran waxaa u aragnaa xalka keliya ee loogu bixi karo dhibaatada iminka jirta.” Iyadoo Prof. Warsame uu dadka Soomaaliyeed ku boorriyay inaysan xal ahayn dowlad ay inoo dhisaan dowlado kale oo danno gaar ah ka leh Somalia.

DAAWO: Xafladdii ka dhacday Magaalada Houston ee gobolka Taxes, Mareykanka;

 

Sidoo kale, Cumar Cismaan oo ah guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaali Bantu ee gobolka Taxes ayaa ku nuux-nuuxsaday baahida loo qabo maamul wanaagga, oo uu ku sheegay haddii la helo in Somalia ay dib ugu soo laaban doonto sidii hore iyo si ka wanaagsan. Wuxuuna qiray in Farmaajo muddadii uu xilka hayay uu bulshada Soomaaliyeed tusay dowlad-wanaag ku dhisan; Sinnaan iyo Cadaalad.

Waxaa kaloo isna goobta ka hadlay Xaaji Siidow oo ka mid ah waxgaradka ku nool magaalada Houston, isagoo carrabka ku dhuftay in loo baahan yahay in la taageero Xisbiga Tayo si loo helo cadaalad iyo sinnaan; isagoo tusaale u soo qaatay muddadii uu Farmaajo RW-ha ka ahaa Somalia, isagoo muddadaas yar ku kasbaday quluubta shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, waxaa xafladda soo xiray RW hore ee Soomaaliya, ahna guddoomiyaha xisbiga Tayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu horreyn wuxuu u mahad-celiyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee kulanka kasoo qayb-galay. Isagoo intaas kaddib sheegay inuu doonayo bulsho wada-siman; kuwaasoo hela maamul-wanaag ku salaysan dowlad cadaalad ah oo dhawrta xaqa shacabka.

“Ruux xun isma qariyo… wuxuuna qofkaas noqdaa mid fashilma oo aan aamin ahayn ama qof Alle saacida oo Alle magac u samaynaya oo ummadda xushmad ka hela. Wuxuuna qofkaasi leeyahay astaamahan; kow waa qof ammaanada ku fiican oo inta gaaban oo uu shaqada hayo si wanaagsan u gudanaya, Laba, waa qof cadaalad ku dhaqa dadka uu maamulayo, naxariisna u muujiya shacabkiisa,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay RW hore ee Somalia Farmaajo.

image image image image

 

Caasimadda Online
Xafiiska Houston
caasimadda@live.com