XOG: Axmed Madoobe oo muddo seddex bilood dib u dhigaya shaacinta golaha wasiirada cusub

Kismaayo (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa markale dib u dhigay soo magacaabida golaha wasiirada maamulkiisa, kadib markii horey loo siiyay fursad afar bilood aheyd oo uu wasiirada kusoo magacaabi karay.

Axmed Madoobe, ayaa ka dalbaday baarlamaanka maamulka koofur Galbeed iney ka aqbalaan codsi kale oo ah in la siiyo muddo seddex bilood ah oo uu kusoo dhisayo golaha wasiirada ee maamulka Jubbaland.

Xildhibaan Bashiir Maxamed oo baarlamaanka Jubbaland ka tirsan ayaa u sheegay xildhibaanada jubbaland warqad codsi ah oo uu kaga siday madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo aheyd in la siiyo muddo seddex bilood oo dheeri ah.

Xildhibaanada maamulka Jubbaland oo inta badan la sheego inuu Axmed Madoobe soo xulay ayaa waxaa la filayaa in maalinta beri ka doodaan dalabka kaga yimid madaxweyne Axmed Madoobe oo ah in la siiyo fursad kale oo seddex bilood ah.

Xildhibaan Bashiir Maxamed ayaa ka hor sheegay baarlamaanka Jubbaland in madaxweynaha uu ka cabanayay shirar iyo waxyaabo kale oo uu ku mashquulay halkii uu kasoo dhisi lahaa golaha wasiirada maamulka Jubbaland.

Waa markii labaad oo uu Madaxweyne Axmed Madoobe Baarlamaanka ka codsado in xiliga magacaabista loo kordhiyo, Xildhibaanada ayaa markii hore siiyay in wasiirada uu ku soo magacaabo muddo dhan 2 bilood taasoo ku eg shanta bisha soo socota.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com