Joe Biden oo si ku-meel gaar ah u wareejiyey awoodda madaxweyne + Sababta

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Jimcihii shalay si ku-meel gaar ah awoodda madaxweyne ugu wareejiyey madaxweyne ku-xigeenka Kamala Harris, kahor inta aanu qaadan dawada qofka suuxisa si loogu sameeyo baaritaanka xiidmaha (colonoscopy). 

Biden ayaa howlgalkan ku maray xarunta caafimaadka Walter Reed, taasi oo qeyb ka aheyd tijaabadiisa caafimaad ee sanadlaha ah, sida ay sheegtay afhayeenka Aqalka Cad Jen Psaki.

“Si la mid ah markii madaxweyne George W. Bush uu maray howlgalkan oo kale 2002 iyo 2007, iyo ayada oo la raacayo sida dastuurka ku qoran, madaxweyne Biden wuxuu si ku-meel gaar ah awoodda madaxweyne ugu wareejin doonaa madaxweyne ku-xigeenka inta uu suuxsan yahay,” ayey tiri Psaki kahor inta aan Biden la suuxin.

“Madaxweyne ku-xigeenka waxay muddadaas ka shaqeyn doontaa xafiiskeeda qeybta West Wing.”   

Kadib markii uu awoodda wareejiyey 10:10 am, Biden ayaa tijaabadiisa caafimaad ee baaritaanka xiidmaha dhameeyey 11:35 am, wuxuuna dib ula wareegay awooddiisa madaxweyne.

Biden ayaa la sheegay inay xaaladdiisa caafimaad wanaagsan tahay hase yeeshee uu kusii negaan doono Walter Reed, si uu ugu sii nasto, sida ay sheegtay afhayeenka Aqalka Cad Jen Psaki.

Biden oo maanta oo Sabti ah ay u buuxsami doonto da’da 79-aad ayaa noqday madaxweynihii ugu da’a weynaa ee la doorto taariikhda Mareykanka.

Da’diisa ayaa noqotay meel ay mar walba ka wareeraan Jamhuuriyiinta, waxaana tijaabadan caafimaad ay mar kale xiiso ku abuurtay xubnaha Jamhuuriga. 

In madaxweynaha uu awoodda wareejiyo ma ahan wax caadi ah, waxaana ay dood abuurtay intii uu madaxweynaha ahaa Donald Trump.

Trump oo 2019-kii si deg deg loogu qaaday isbitalka Walter Reed ayaa diiday in la suuxiyo, sababtoo ah ma uusan dooneyn inuu awoodda ku wareejiyo madaxweyne ku-xigeenka Mike Pence.