GALMUDUG oo shaacisay shuruudaha laga doonayo musharaxiinta xildhibaanimo

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashooyinka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday shuruudaha Musharixiinta golaha shacabka looga baahan yahay.

Shuruudaha guddiga ay shaaciyeen ayaa waxaa qeyb ka ah in looga baahan yahay in musharaxa laga rabo warqadda dambi la’aanta oo ay bixiyo CID iyo shuruudo ay ka mid yihiin bixinta qidmadda musharaxnimada.

Shuruudaha ayaa waxaa sidoo kale kamid ah in qofka musharaxa ah uu heysto Shahaado Dugsiga Sare ama wax u dhigma.

Sidoo kale waxaa shuruudaha kamid ah in musharaxa uusan wax xiriir ah la laheyn kooxahaa argagixisada.

Galmudug oo lagu wado in todobaadkan ay ka dhacdo doorashada Shan ka mid ah kuraasta golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu ay tahay Galmudug.

Kuraastaa ayaa kala ah, HOP#043, HOP#054, HOP#104, HOP#067 iyo HOP#026, kuwaas oo dhamaantoda hadda ay ku fadhiyaan xildhibaano ka tirsan Baarlamanka 10-aad ee waqtigooda dhamaaday.

Halkaan hoose ka akhriso shuruudaha oo dhameystiran