Jubbaland oo dalab la xiriira gobolka GEDO u gudbisay madaxweyne Xasan Sheekh

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa shaaciyay in madaxweynaha cusub ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud uga fadhiyaan sidii uu gacanta maamulkooda dib ugu soo celin lahaa gobolka Gedo.

Wasiirka warfaafinta Jubaland Suleymaan Maxamed Maxamuud oo la hadlay idaacada BBC-da ayaa sheegay in madaxweyne Xasan ay ka rajeynayaan in uu sixi doono waxkasta oo dowladdii hore ay kharibtay.

“Waxaa ka rajeynaynaa hadda dowladda cusub inay qaabkii hore wax ka badasho oo maamulka sharciga ah, sida sharciga ah (Gedo) ay ku soo celiso dowlad goboleedka Jubbaland,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Jubaland.

Sidoo kale waxa uu sheegayn wasiirka in Wada-hadal iyo dib-u-heshiisiin ay ka sameyn doonaan gobolka Gedo, oo dagaal siyaasadeed adag uu ku dhex-maray dowladdii madaxweynaha xilka kasii dagaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Wada-hadal iyo dib u heshiisiin ay sameyn doonaan dowladda jubaland iyo dowladda cusub-na ay sameyn doonaan sidaana khilaafaadkii jiray lagu xalin doono ayaan rajeynayna. Ciidamada qaranka in qaar halkaasi lagu dhaafo, qaarkii sharci la’aanta lagu keenayna meesha laga saaro maamul ay dadka ogol yihiin-na loo dhiso, sidaa la-ajligeed Gedo-na ay ku soo noqoto sharciyadii Jubaland sidaa ayaa noo qorsheysan.”

Dowladdii madaxweynaha xilka kasii dagaya ayaa ciidamo fara badan u daad-gureysay gobolka Gedo, ayada oo meesha ka saartay maamulkii gobolkaas ee maamulka Jubbaland, una magacaabatay maamul cusub.

Si kastaba, Arrintaan ayaa ah mid kamid ah caqabadaha horyaalla madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ee ay tahay in uu xal u keeno khilaafkeeda, oo mar si weyn u ragaadiyay qabsoomidii doorashooyinka.