Jubbaland oo shaacisay tiradda dadka la nool xanuunka AIDS-ka ee ku sugan Kismaayo

Kismaayo (Caasimadda Online) – Cali Cabdullaahi oo ah madaxa qaybta Cudurka Aids-ka ee Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland ayaa faahfaahin ka bixiyay  Dadka la nool xanuunka Adis-ka ku sugan  Magaalada Kismaayo.

Sarkaalkan ka tirsan Wasaaradda caafimaadka Jubbaland, ayaa wuxuu sheegay in sidoo kale ay jiraan dad kale oo xanuukaan la nool, kuwaasi oo ku sugan deganada Jubbaland, sida gobolka Gedo, Gobolka Jubbada dhexe iyo Gobolka Jubbada hoose.

Wuxuu sheegay tirada inay badan yihiin, balse dadka hadda u diiwaangashan wasaaradda caafimaadka Jubbaland ay tahay 45 ruux oo ku sugan magaalada Kismaayo.

Cudurka HVI AIDS ayaa kamid ah cudurada ugu halista badan adduunyada, Soomaaliyana waxay kamid tahay wadamada uu aadka ugu yar yahay.

Cudurkaan ayaa inta badan waxaa la iskugu gudbiyaa galmada iyo xaalado kale, waxayna adduunyada kale leedahay meelo loogu talagalay in dadkaa lagu daaweeyo.

Dad badan oo Soomaali ah oo cudurkaan qabo ayaa dad kale ee Soomaaliyeed uga digay, waxayna dadka la nool cudurkaan intooda badan yihiin kuwa ka takooran dadka kale.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com