Jubbaland oo soo saartay amar lagu mamnuucayo dhulalka iibka ah

Muqdisho (Caasimada Online)-Amar kasoo baxay hogaanka sare ee Maamulka Jubbaland ayaa waxaa lagu mamnuucay dhulalka lagu kala iibsanaayo magaalada Kismaayo.

Maamulka ayaa sheegay inay sii kordhayaan dhulalka lagu kala iibsanaayo Dukumiintiyada been abuurka ah, sidaa aawgeed la joojiyay.

Amarka lagu joojiyay kala iibsiga dhulalka Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose, ayaa waxaa lagu sheegay in maamulka uu la socon doono dhaqdhaqaaqyada dadka ku shaqeysta howlahaasi la mamnuucay.

Maamulka ayaa dadka shacabka ah ugu baaqay in dhaqaalo iyo waqti aysan iska gelin dhulalka iibka ah ee muranada uu ka taagan yahay.

Talaabadan ayaa kusoo beegmeysa xili dhowr mar uu maamulka soo saaray ammaro lagu mamnuucayo iibsashada dhulalka Magaalada Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com