Guddiga doorashada guddoomiyaha BF oo mamnuucay xubnaha korjoogtada ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu qorsheynaayo in goobta doorashada laga mamnuuco Xubnaha korjoogta.

Xubno ka tirsan Guddiga Doorashada ayaa sheegay inaan loo baahneyn xubno korjoogto ka noqonaya Doorashada lagu balansan yahay in ay dhacdo Isniinta, 30-ka bishan April.

Guddiga Doorashada, ayaa sheegay in Doorashada iyo arrimaheeda ay noqon doonaan kuwo ay ku qanci karaan dhammaan Xildhibaanada, Musharaxiinta iyo shacabkaba, sidaa aawgeed aan loo baahneyn dul joogto.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Golaha Shacabka Xildhibaan Nuur Iidow Bayle, ayaa sababta arrintan ay ku timid waxa uu ku sheegay in aysan muhiim aheyn dad badan oo hadana aanay muuqan wax qabadkooda.

Xildhibaan Nuur Iidow Bayle, wuxuu sheegay Doorashadan in ay ka qeyb galayaan Xubnaha Baarlamaanka oo codeynaya, wuxuuna tilmaamay Musharax walba in loo gol yahay keliya Hal qof oo codadka u tiriya.

Sidoo kale, Xildhibaanada wax dooranaya ayuu sheegay iney imanayaan hoolka 10:00Am Barqanimo.

Sidoo kale, Musharixiinta ayuu sheegay iney iyaguna imanayaan Marka ay xarunta soo galaan Xildhibaanada, Doorashada ayuu Gudoomiyaha sheegay in laga gudbi doono Wareega Koowaad, kadibna doorashada loo sii wadayo kuwa aada Wareega labaad iyadoo suura gal ay tahay in la isla aado Wareeg Sadexaad oo noqonaya midka ugu danbeeya.

Docda kale, Iidoow, ayaa sheegay ineysan jirin wax Haween ah oo xilkan isu soo sharaxay, balse Guddigooda ay sheegeen iney ubanaaneed iney kursigaa ku fariistaan Dhamaan Xildhibaanada Golaha Shacabka, Waloow la ogyahay in kursiga loo ogolaa oo kaliya Xildhibaanada Digil iyo Mirifle.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com