Daawo: Fanaaniin caan ah oo BF ka codsaday in ay doortaan murashax C/Casiis Lafta Gareen

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maalmahaan magaalada Muqdisho ka socda Olole ballaaran oo la xiriira kursiga Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka, kuwaasi oo tiradoodu ay gaarayso  11,  doorashada la filayo in ay dhacay 30 bishaan April 2018.
Durba waxaa aad Muqdisho looga dareemay miisaanka iyo saamaynta uu doorashada ku leeyahay Murashax C/casiis Lafta Gareen, waxaana aad isku soo taraysay maalmihii ugu dambeeyay kulamo aan kala joogsi lahayn oo Murashaxaan uu la yeelanayay Xildhibaannada Golaha Shacabka oo iyagu kula taliyay in uu kursigaan isu soo taago, Siyaasiyiinta, Iyo qaybaha bulshada Soomaaliyeed ee kale duwan.
Dad badan ayaa Musharax Lafta Gareen u arka Musharax madax banaan oo aan cidina wadin, kana madax banaan dhinacyada isku haya siyaasadda dalka. Waana sababta loogu aqoonsaday  “Murashaxa Golaha Shacabka Soomaaliyeed”
Shirarkaas, waxaa bar bar socday taageero kale duwan oo ka imaanaysa dadka magaca ku leh bulshada Soomaaliyeed, shaqsiyaadkaas waxaa ka mid ah Fanaanka caanka ah ee Soomaaliyeed Oomaar oo fariin Muuqaal ah oo uu Pagekiisa Facebook ga soo dhigay ka codsaday Xildhibaannada Golaha Shacabka in ay doortaan Musharax Lafta Gareen.
C/casiis Lafta Gareen ayaa dad badan waxay u arkeen Siyaasi Midayn kara Baarlamaanka Soomaaliya, lana shaqayn kara Golaha Fulinta, Golaha Sharci dajinta, Guddoomiyaasha Baarlamaannada Maamul Goboleedyada, Iyo Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Md. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Halkaan ka daawo Fariintiintii Fanaan Oomaar