Waa Sidee Rajadda Shariif Abdullahi ee Doorashada gudoomiyaha Baarlamanka ?

Shariif Abdullahi ayaa u muuqda ninka qura ee buuxiyay dhibcaha looga baahan yahay qofka hogaamin doona Baarlamanka Somalia saddexda sano ee soo aadan.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Somalia iyo cabqariyiin siyaasadeed ayaa u sheegay Caasimada Online in Shariif Abdullahi uu yahay nin aan dhinacna loo xaglin karin marka la eego musharaxiinta kale.

Qaar musharaxiinta ka mid ah waxaa muuqata iney wadato xukuumada, mid waxaa wata Shariif Xasan , midna Emirate-ka Carabta.

Shariif Abdullahi waa ninka qura ee aan ilaa hada cidna lagu tirin iney wadato.

Dad xogogaal ah ayaa u sheegay Caasimada Online in Shariif Abdullahi uu heli karo wax ku dhow 80 cod wareega hore ee doorashada.

Waxaa loo arkaa nin isku soo celin kara xubnaha Baarlamanka oo aragti ahaan aad u kala fogaaday maalmihii lasoo dhaafay.