Xog: Fadeexada Heshiiskii SKA oo saameyn xun ku yeelatay rajada Wasiir Mursal ee Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka

Wasiirkii Gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo xilka isaga casilay inuu qabto xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saameyn xoog leh kasoo gaartay fadeexadii ka dhalatay heshiiskii uu shirkadda la galay shirkadda SKA.

Heshiiska oo ku saabsanaa dhinaca Saadka, isla markaana dowladda Soomaaliya ay waxba kama jiraan kasoo qaaday ayaa dhaliyay in Wasiir Mursal ay hoos u dhacdo taageeradii uu ka heystay xildhibaannada, waxaana la sheegay inay taageerada kala noqotay Madaxtooyada Soomaaliya.

Wasiir Mursal oo markii hore si weyn loogu saadaalinayay inuu xilkan si sahlan ugu guuleysan karo ayaa hadda loolan culus kasoo wajahayaa laba musharax oo midkood la tuhunsan yahay inuu taageero ka heysto madaxtooyada, halka wasiirku weli rajo ka qabto taageerada Ra’iisal wasaaraha.

Doorashada Berri ee guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa la sheegay in si weyn loogu loolami doono oo in lagu kala baxo ay adkaan doonto marka la eego sida loogu kala qeybsamay kala taageerista musharixiinta.