Sawirro: Madaxweyne Al-Bashiir oo tababar usoo xiray Saraakiil Soomaali ah

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Khartoum ee xarunta dalka Sudan ka dhacay munaasabad tababar loogu soo xiraayay dhalinyaro Soomaaliyeed oo halkaa ku qaadanaayay tababar ciidan.

Dhalinyaradan tababarka loo soo xiray ayaa la sheegay inay yihiin Leyli Saraakiil kuwaa oo dib ugu soo laaban doona magaalada Muqdisho.

Dhalinyaradan ayaa waxaa munaasabada kala qeybgalay madaxweynaah Dalka Sudan Cumar Xasan Axmed ‘’Albshiir’’ waxaana sidoo kale goobta ay ku qabsoomeysay munaasabada ka muuqday Soomaali farabadan.

Saraakiisha dhalinyarada ah ayaa dalka Sudan wax ku baranayay muddo ku siman 2 sano,iyagoo bartay sharciga iyo Qaanuunka.

Madaxweynaha Dalka Sudan Cumar Xasan Albashiir, ayaa goobta bilad sharaf kusiiyay Sarkaal lagu magacaabo Cumar Xasan Axmed oo ka mid ah saraakiishaasi tababarka loo soo xiray kaa oo galay kaalinta koowaad ee mudadii uu socday tababarkaasi.

AlBashiir ayaa sheegay in Saraakiisha Soomaalida ee tababarka loo xiray u rajeynayaan guul wacan isla markaana ay noqon doonaan kuwo wax ka bedela xaalada Somalia.