Muqdisho oo marti galineysa shir heer caalami oo noociisa aan horay loogu qaban Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in dhawaan magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ay marti galiso Shir heer caalami ah oo looga hadli doono arrimaha dhuxusha sharci darada ah.

Shirkaan ayaa la sheegay inuu qabsoomi doono 7-da Bisha May ee foodda inagu soo haysa, waxaana ka qeybgali doona Madax farabadan oo heer caalami ah.

Shirkaan oo aan noociisa horay loogu qaban Somalia ayaa waxaa goobjoog ka ahaan doona Wakiilo heer  caalami ah iyo Khubaro dhanka sharciyada ah kuna xeel dheer arrimaha degaanka.

Dhinacyada lagu casuumay shirka ee kasoo qeybgali doona ayaa waxaa kamid ah QM laanteeda degaanka iyo waaxdeeda horumarinta.

Waxaa goobjoogayaasha qeyb ka noqon doona deeq bixiyayaasha Caalamka, Hay’adda cunnada Adduunka ee FAO iyo xubno kale oo ka socda Beesha Caalamka.

Ujeedka shirkaan ayaa ah in la joojiyo ka ganacsiga dhuxusha sharci darrada ah, soo saarista iyo adeegsiga aan habooneyn ee Dhuxusha Soomaaliya.

Sidoo kale, shirka ayaa waxaa lagu wadaa inuu furi doono Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo, halka uu Khudbad ka jeedin doono Ra’isul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre.

Dhanka Dowlada ayaa waxaa sidoo kale ku casuuman Wasiiro, Xildhibaano iyo Madaxda Hay’adaha maxaliga ee ku xeeldheer arrimaha deegaanka iyo degnaanshiyada.

Si kastaba ha ahaatee, Kulankan oo ay hormuud ka tahay Dowladda Soomaaliya waxaa looga gol leeyahay in si degdeg ah lagu dhiso isbahaysi u dhaxeeya waddamada loo dhoofiyo Dhuxusha, khabiirrada caalamiga ah , kuwa maxalliga ah iyo deeq-bixiyeyaasha.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com