Warbaahinta Muqdisho oo ku dhawaaqday olole wax loogu aruurinaayo xulka 17 jirada Somalia

Madax iyo wariyaal ka socday idaacadaha iyo TV-yada Muqdisho ayaa maanta isugu yimid kulan ay kaga wada hadleen sida ugu macquulsan ee dhiiri galin loogu sameyn karo ciyaartooyda 17 jirada Somalia, kuwaaas oo 40 sano kadib gaaray final tartan heer Qaran ah.

Sidoo kale qoraayaal iyo qaar ka mid ah ciyaartooydii hore ee Qaranka ayaa ka qeyb galay kulanka. Aragtiyo badan oo dhaxal gal ah ayey soo jeediyeen wariyaashii ka qeyb galay kulanka, waxaana ugu muhiimsanaa in dhaqaale aruurin iyo soo dhoweyn weyn loo sameeyo xulka 17 jirada Somalia.

Waxaa la isku af gartay olole 7 cisho socon doona oo ay idaacaduhu dhaqaale uga aruurin doonaan dhageystaashooda iyo ganacsiyada ay la macaamilaan, goobta waxaa sidoo kale looga dhawaaqay guddi la baxay #CAAWINQARANoo wariyaal ah kaas oo la kulmi doona siyaasiyiinta iyo madaxda Dowladda si loogu bandhigo iney dhallinyaradaas caawimaad Qaran u sameeyaan.

Maxamed Shuuriye Barakaat oo ka tirsan Universtaltv ayaa loo doortay gudoomiyaha guddiga #CaawinQaran halka Cabdulaahi Daahir Siyaad Dhakoos oo ah agaasimaha idaacada Goolfm loo doortay Xoghayaha Guddiga CAAWINQARAN.

Burhaan Diini Faarax agaasimaha idaacada Kulmiye iyo Maxamedkaafi Shiikh Abuubakar tafaftiraha Radio Muqdisho ayaa loo doortay iney noqdaan labada qof ee lagu shubaayo dhaqaalaha laga soo aruuriyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Xubnaha Guddiga CaawinQaran waxaa ka mid ah.

1-Maxamed Shuuriye Barakaat
2-Abdiasis Hasaan Mohamed
3-Cabdulaahi Cismaan Faarax
4-Burhaan Diini Faarax
5-Cabdulaahi Daahir Siyaad Dhakoos
6-Maxamedkaafi Shiikh Abuubakar.
7-Cabdifitaax Maxamuud Siyaad Arizona.
8-Maxamed Cabdi Muudey.

Guddiga CaawinQaran wuxuu si joogto ah usoo gudbin doona hadba heerka ay mareyso deeq aruurinta iyo cida wax ku tababarucday.

Fadlan ku caawi qarankaaga wixii aad awoodo, adigoo la xiriiri kara guddiga #CaawinQaran ama idaacadaha ay lacag aruurintu ka socoto.

Wixii aad guddiga kusoo hagaajineysid ku dir
Burhaan Diini Faarax-Agaasimaha Radio Kulmiye-Tell +252615108019

Maxamedkafi Shiikh Abuubakar-Tafaftiraha Radio Muqdisho- Tell +252615118508

Cabdulaahi Cismaan Faarax
Xiriiriyaha #CaawinQaran