DF oo shir dag dag ah kaleh sidii wax loogu qaban lahaa dadka ay fatahaaduhu saameeyeen

Muqdisho-(Caasimadda Online) – Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir ku saabsan fatahaadda wabiga shabeelle iyo Barakaca ka socda Magaaladaas.

Shirkan oo uu Ra’isalwasaaraha ka furay Xarunta madaxtooyada dalka ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgelaya Ra’isalwasaare ku xigeenka Soomaaliya,xildhibaanno,Guddiga ka hortagga Musiibooyinka Qaranka,Ganacsato iyo Hay’adaha aan dowliga ahayn ee gudaha dalka ka howlgala.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan magaalada Beledweyne ayaa sheegay in dad kabadan boqol kun oo ruux ay u barakaceen fatahaadaha ka jira magaalada Beledweyne.

dhawaan ayay ahayd markii  Senatorrada kala ah Maxamed Cusmaan Faarax (Dhagajuun),  Senator Naciima Ibraahim Yusuf, Senator Maxamed Xuseen Raage iyo Senator Cismaan Axmed Macow ayaa sidoo kale sheegay in ay garan la’yihiin aamusnaanta dowladda.

intabada dadka ku nool Baladweyne ayaa barakacay kadib markii guryahoodii ay biyo ugu soo galeyn biyahaas oo saameeyey dhammaan noloshii Bulshada Magalada Baladweyne.

Kulanka ka furmay xafiiska Ra’isalwasaaraha ayaa waxaa lagu gorfeynayaa sidii  loogu gurman lahaa dadka biyaha ay barakiciyeen ee Magalada Baladweyne.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com