Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa, ayaa sheegay in DFS ay xooga saareyso in la mideeyo dhammaan beelaha Soomaaliyeed ee ku kala irdhoobay colaadaha jira.
Wasiir Juxa waxa uu tilmaamay inay jiraan colaado muuqda oo u dhexeeya Beelaha Soomaaliyeed, waxa uuna cadeeyay in colaadahaasi ay ka dhasheen dagaaladii ka dhacay dalka.
Juxa waxa uu sheegay in si KMG ah ay xal u dhex dhigeen beelo dhowr ah, kuwaa oo uu sheegay inay ka dhexeeyen dagaalo salka ku haya arrimo qabiil.
”Wey naga go’an tahay inaan nabadda geyno dhammaan dalka, waxa aan howsha ka bilaabeynaa dhex dhexaadinta beelaha ku kala irdhoobay colaadaha dalka ka jira”
”Waxaan rajo ka qabnaa in duubabka beelaha ay nala fahmaan in laga gudbo xiisadaha dhaliyay colaadaha si aan uga gudubno dhibaatada jirta”
Dhinaca kale, Cabdi Faarax Juxa ayaa sheegay inay sameyn doonaan guddiyo dhiiri galin doona beelaha ay colaada ka dhex jirto.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

