Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa isbedel ku imaaday mowqifkii ay Xildhibaanada baarlamaanka maamulka HirShabelle ay dhawaan shaqo ka joojin iyo mooshinba kaga gudbiyeen Guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Cismaan Maxamed Barre.
Xildhibaanada oo shir degdeg ah ku yeeshay magaalada Jowhar ayaa sheegay inay dib uga laabteen Mooshinkii ay ka diyaariyeen Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka.
Xildhibaanada ayaa sheegay in sababta ay uga laabteen mooshinka uu yahay danaha shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada maamulka.
Xildhibaanada mooshinka gudbiyay oo guud ahaan lagu sheegay 39 xildhibaan, ayaa waxaa dib uga laabtay ilaa 24 Xildhibaan, halka tirada harsan lagu wado inay dib uga baxaan mooshin wadayaasha.
Geesta kale, Isbedelka ku imaaday mooshin wadayaasha ayaa yimid kadib markii Xildhibaanada ay habeenimadii xalay kulan degdeg ah la qaaten Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ballanqaadyo u sameeyay Xildhibaanada.
Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

