Kaalintee nabad sugiddu ku lahayd dhiibista Qalbi Dhagax? (Akhriso warbixinta guddiga loo xil saaray)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddiga Barlamaanka ee loo xilsaaray in ay soo baaraan kiiskii Cabdikariim Qalbi Dhagax ayaa warbixin ka kooban 10 bog waxa ay horgeynayaa Golaha Shacabka sida ku cad nuqul ay heshay Caasimadda Online.

Xog ay heshay Caasimadda Online ayaa muujinaya in warbixinta Guddiga ay si cad u soo bandhigeyso kaalinta ay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ay ku lahayd dhiibista Qalbi Dhagax, halka aan wax la tashi ah lagala yeelan hay’adaha garsoorka dalka.

Nuqulka ay Caasimadda heshay ayaa waxaa lagu sheegay in Taliyihii hore ee hay’adda Sirdoonka Mudane Cabdullaahi Sambalooshe inuu siiyay madaxda qaranka xog marin habaabin ah oo uu ku doonayay inuu is dhaafiyo Qalbi Dhagax oo ay 23kii August ay hay’adda kasoo qabatay magaalada Galkacyo.

Warbixinta Guddiga ayaa waxa ay intaas ku dareysaa in maadaama ay Soomaaliya ku jirto marxalad dib u kabasho in Dowladda Federaalka ay mudnaanta koowaad siiso sugidda amniga iyo xasilloonida dalka, sidaas daraadeedna aan gabbaad la siin karin urur hubeysan ama shakhsiyaad khatar ku ah amniga dalka iyo guud ahana xasilloonida gobolka.

Warbixinta ayaa lagu yiri “Siyaasadda Arrimaha Dibadda dalka waxa ay ku saleysantahay wada noolaansho dadweynaha Gobolka Geeska Afrika iyo Dunida kale guud ahaan iyo gaar ahaan ilaalinta Siyaasadda daris wanaagga.

Mabaa’iidaas oo aan sinnaba u ogolaanayn in marnaba la aqoonsado ama gabbaad la siiyo urur hubeysan oo liddi ku ah jiritaanka qarannimada ama ammaanka, xasillinooda iyo  nabadgalyada dalka ama wadamada dariska ah.”

Hase yeeshee, Guddiga waxa ay caddeeyeen in qaraarkii xukuumadda ee ku aaddanaa in Jabhadda ONLF ay tahay urur argagixiso ah uu yahay go’aan aan sax ahayn, maaadaama ururkan uusan ku jirin kiiska argagixisada caalamiga ah.

Guddiga waxa ay soojeediyeen in Xukuumaddu ay dabagal ku sameyso heshiisyadii horey loo galay maadaama heshiiska lagu saleeyay dhiibista Qalbi dhagax uusan ahayn mid maray habraacii sharcidejinta, Barlamaankana aan la horkeenin.

Go’aamada ay soo saareen guddiga ayaa waxaa ugu muhiimsan in hay’adaha amniga, gaar ahaan hay’adda Sirdoonka iyo nabadsugidda ay ka fogaadaan in ay bixiyaan xogo aan sugneyn oo aan si fiican looga soo baaraandegin. Sidoo kale, waxa ay Golaha Shacabka ugu yeereen in laga fogaado arrin kasta oo keeni kara xasillooni darro siyaasadeed ama abuuri kara khalkhal amni.

Ugu dambeyntii, Xukuumadda uu Hoogaamiyo Ra;iilsul Wasaare Khayre ayaa waxa uu Guddigi usoo jeediyay in ay taxadar dheeraad ah ka muujiso go’aan ka qaadashada arrimaha xasaasiga ah.

Halkaan hoose ka akhriso Labada Bog ee ku saabsanaa kaalinta ay Nabadsugidda ku laheyd dhiibista Qalbi Dhagax, waxaana daqiiqado kadib idiin soo gudbin doonaa dhammaan warbixintii lasoo saaray.