Warbixin is-casilaadda Dr Maryan Qaasim la xiriirisay musuq-maasuq (Aqri)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Website-ka Alleastafrica ayaa soo daabacay warbixin xasaasi ah oo ku saabsan is casilaadii maryan Qaasim iyo Arrimo kale oo la xiriiro la dagaalanka Musuq Maasuq.

Haddaba Shabakadda Caasimadda Online ayaa idiin soo turjuntay warbixintaas oo markii hore ku qorneyd Luuqadda Ingiiriska, waxayna u dhaceysay sida hoos ka muuqato:

Wasiir ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa is casilay laba toddobaad ka dib markii ay xukuumadda bilowday olole cusub oo la dagaallamaya musuqmaasuqa kaas oo inta badan lala beegsanayo saraakiisha sare oo ay ka mid yihiin wasiirada lagu tuhunsan yahay in ay galeen dembiyo dhaqaale iyada ay arrintaas qeyb ka tahay la dagaalanka Musuq maasuqa ka jiray Dowladda Soomaaliya.

Sanado badan, beesha Caalamka oo Malaayiin Dollar siineysay dowladihii soo maray Soomaaliya ayaa ka cabanayey inay jiraan wax is dabamarin iyo musuq maasuq baahsan oo ka dhex jiro hey’adaha dowladda, waana arrinta ay hadda Dowladda Soomaaliya ballan qaaday inay wax badan ka qaban doonto Masuq maasuqii hareeyey dowladihii hore ee dalka soo maray.

Maryan Qasim Ahmed oo aheyd Wasiirkii gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ayaa is casishay Asbuucaan iyadoo sheegtay inay ka cabaneyso is barbar yaac ka dhex jiro dowladda dhexdeeda.

Si kastaba ha ahaatee, qaar ka tirsan mas’uuliyiinta Soomaalida ayaa ku doodayo in casilaadada Maryan Qaasim ay timaaday todobaad ka dib markii hay’adda musuqmaasuqa waddanku ay ka dalbatay in ay soo gudbiso diiwaankeeda maaliyadeed ee bil kasta ka dib su’aalo ku saabsanaa hannaanka shaqada ee wasaaradda iyo maareynta miisaaniyadda.

Mid ka mid ah Xubnaha Guddiga la dagaalanka Musuq maasuq dowladda oo codsaday inaan magaciisa la sheegin sababo la xiriiro inaan loo oggolaan inuu ka hadlo baaritaanka musuqmaasuqa ee ka dhanka ah mas’uuliyiin sar sare oo ay ku jiraan Wasiiro ayaa sheegay inay Maryan Qaasim ku guul dareystay inay soo gudbiso xogta Maaliyadeed ee Wasaaradda, iyadoo ay usii dheer tahay sida uu sheegay inay jiraan tobaneeyo ka mid ah reerkeeda oo ay ka shaqaaleysiisay Wasaaradda.

Sarkaalkaas ka tirsan Guddiga ka hor tagga Musuq Maasuqa ayaa sii raaciyey inay Wasiiradda is casishay ay ka niyad jabtay inaan lagu wareejin 4 Malyan oo Dollar oo Soomaalida ku nool dunida ugu soo deeqeen dadkii ay ku dhacday Musiibadii Soobe, iyadoo ay dowladda arrintaas u xilsaartay Culumo iyadoo laga fogaanayo inay dhacaan wax isdaba marin (Musuq Maasuq).

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya ayaa ka gaabsaday inuu arrintaas ka hadlo mar ay la xiriirtay Alleastafrica Maalintii Jimcada aheyd.

Iyadoo ay dadka Soomaaliyeed is waydiinayaan sababta keentay inay is casisho Wasiir Maryan ayaa waxaa arrintaas Su’aal laga waydiiyey mid kamid ah Culumada Soomaaliyeed ee saameynta leh oo aheyd haddii ay Wasiir Maryan isku casishay deeqdii ay Culimada Soomaaliyeed ku wareejiyeen Guddiga loo xil saaray uruurinta Deeqaha iyo haddii kale?

“Haddii ay isku casishay lacagtii loogu talagalay dhibbanayaasha saboolka ah darteed, waxay aheyd in mar hore shaqada laga ceyriyo” ayuu Yiri Sheikh Mohamed Abdi oo loo yaqaan Umul oo ah wadaad fadhigiisu yahay dalka Nairobi oo hoggaaminayey wadaado Muqdisho geeyey deeq loo aruuriyey dadkii ay dhibaatada kasoo agartay Musiibadii ka dhacday Isgoyska Soobe.

Inkasta xukuumadda hadda jirta ay muujisay go’aankeeda ku aadan la dagaallanka Musuq Maasuqa oo ay sheegtay inuu Khatar weyn ku yahay Xasilloonida dalka ayaan jirin ilaa hadda Mas’uul si rasmi ah loo eedeeyey ama xilkiisa looga qaaday Musuq maasuq uu kacay iyo boob Hanti dadweyne.

Dhanka kale, tallaabooyinka cusub ee la-dagaallanka musuq-maasuq ayaa qeyb ka ah dib u habeeynta  bulshada iyo dhaqaalaha dowladda cusub,  iyadoo la sameenayo kormeero dheeri ah oo lagu baarayo Musuq maasuqa ayaa waxaa shaqaalaha dowladda la amray inay Guddiga la dagaalanka Musuq Maasuq usoo gudbiyaan haddii ay arkaan Musuq Maasuq ka jiro meelaha ay ka shaqeeyaan.

Soomaaliya waxaa badanaa loo arkaa mid ka mid ah waddamada ugu musuqmaasuqa badan adduunka sida ay sheegeen ilaaliyayaasha caalamiga ah.

Xigasho: Alleastafrica

Somali minister resigns amid new tough anti corruption measures

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com