Kacdoon SOMALILAND ka dhan ah oo MAGAALADII labaad ka billowday maanta

Ceel-afweyn (Caasimada Online) – Kacdoon dadweyne ayaa ka billowday degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag ee Somaliland, halkaasi oo dadweyne cadheysan ay saaka iskugu soo baxeen waddooyinka magaalada.

Ciidamada sida gaar ah u tababaran ee RRU-da ayaa goob magaalada u dhaw ku dilay muwaadin la odhan jiray Abokor Cumar Cali. Booliiska Somaliland illaa hadda wax faah-faahin ah kama bixin sababta keentay dhimashada muwaadinkan.

Dadweynaha isku soo baxa dhigayay ayaa taayiro ku gubay waddooyinka waawayn ee magaalada, waxaana la arkayay iyada oo qaarkood ay siteen calanka buluuga ah ee Soomaaliya.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamada Somaliland oo goobta soo gaaray ay rasaas ku kala dareeriyeen banaan-baxayaasha.

Dadweynaha ayaa sidoo kale waxay dilalka kusoo badanaya magaalada iyo guud ahaan gobolka, si gaar ah ugu eedeeyay badhasaabka gobolka Sanaag oo masuul uga ah xukuumadda Somaliland.

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ee kasoo jeeda deegaankan ayaa hore xukuumadda Muuse Biixi ugu baaqay “in ay wax ka qabato dilalka ciidamadu gaystaan oo marar kala duwan soo noq-noqday.”

“Waxa na-daashaday in ay yidhaahdaan (Somaliland) baadhitaan ayaanu samaynaynaa, oo waxba anay kasoo baxaynin, anagu waxaanu u taaganahay cadaalad ayaanu ka sugaynaa dowlada,” ayuu yiri Xildhibaan Iid Xidig.

Kacdoonka dadweyne ee ka billowday Ceel-afweyn ayaa imaya xili ay xukuumadda Somaliland u maara-weyday kacdoonka ay reer Laascaanood ku diidan yihiin gooni isu-taaga Somaliland.