AL-SHABAAB oo sheegatay inay la wareegtay deegaan ka tirsan gobolka SANAAG

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay inay la wareegtay gacan ku haynta deegaanka deegaan Durduri oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaal-yahano ka tirsan kooxda ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Durduri oo u dhaxeeya degmada Laasqoray iyo Calaayo.

Sidoo kale waxay sheegtay in qarax miino lala helay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamo uu maamulka Puntland gurmad ahaan uga soo diray dhanka magaalada Boosaaso.

Cabdirashiid Cali Xiireey [Abees Dhuuni] oo ka tirsanaa saraakiisha ciidanka Puntland iyo sarkaal kale ayaa ku dhintay qaraxaas, sida ay sheegtay warbaahinta kooxda Al-Shabaab.

Illaa hadda majiro warar madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashada kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale majiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Puntland iyo Somaliland, oo iyagu isku haya qeybo kamid ah gobolka Sanaag, una joogaan maamulo kala taabacsan.

Sanadkii hore ayay aheyd markii ay sidan oo kale kooxda u sheegatay inay la wareegeen dhowr deegaan oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Arrintan ayaa imaneysa xilli uu dhawaan madaxweynaha Somaliland uu sheegay in falalka amni darro ee kusoo noq-noqday qeybo kamid ah gobolka Sool ay ka dambeeyaan kooxaha argagixisada.