Xog: Laba arrin oo Xasan Sheekh ku kaliftay inuu la safto C/casiis Lafta-gareen

Baydhabo (Caasimada Online) – Koonfur Galbeed heshiis ayaa lagu gaaray xalay, buuq iyo gacan ka hadal kadib heshiis doorasho ayaa la gaaray, kaasi oo si cad muddo kororsi ugu xalaaleeyay Cabdicasiis Lafta-gareen.

Dhamaan daneeyayaasha siyaasadeed ee Koonfur Galbeed ee goobta joogay ayaa saf dheer ka galay dhabarka madaxweyne Xasan Sheekh, taasi oo u fasiran inuu heshiiskan yahay mid loo dhan yahay.

Haddaba, waxaa warbixintan ku eegayna maxaa Xasan Sheekh mariyay dhanka Cabdicasiis Lafta-gareen.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa laabashadiisa bedalay jawigii shirka, habeen hore waxa uu gooni-gooni u arkay dhamaan dhinacyada, wuxuu codsaday in arrinta dagaalka aan laga curyaamin oo dib loo dhigo doorashada Koonfur Galbeed muddo hal sano ah.

Dooddiisa waxay ahayd “Al-Shabaab ayaa rabaa in aan bixiyo mana rabo inay doorashooyinku dagaalka iga mashquuliyaan ama diirada dagaalka naga lumiyaan dowlad ahaan iyo shacab ahaanba.”

Wallow aan habeen hore arrintaas lagu qancin, haddana xalay aad ayaa loo dooday oo waxa la isla gaaray illaa labadii habeenimo.

Xasan Sheekh waa ka degi waayay booskiisa ah dagaalka kadib ayaa la qabanaya doorashada, taasi oo Lafta-gareen uu faa’iido badan ku qabay, ugu dambeyna waa la aqbalay codsiga madaxweynaha.

Dadka arrintan xog-ogaalka u ah ayaa laba arrimood ku sababeynaya in Xasan Sheekh uu aqbalay muddo kororsiga Lafta-gareen.

Mid waa sida uu isagu sheeganayo oo ah dagaalka Al-Shabaab oo meel fiican u maraya dhawaana uu rabo inuu ka bilaabo Koonfur Galbeed.

Midda kale waa in uusan Xasan Sheekh weli helin qofkii uu dhisi lahaa hoggaaminta maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isaga oo aan haysan qorshihiisa Koonfur Galbeed iyo qofkii uu meesha geysan lahaa, macno badan uguma fadhiso in doorashada xooga saaro ayay leeyihiin dadka ka faalloonaya sababaha Xasan Sheekh u ogolaaday muddo kororsiga Lafta-gareen.