Beelo Habargidir ah oo isku haysta maamul u sameynta degmo ka tirsan MUDUG

Hobyo (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii u dambeeyay si weyn usoo ifbaxay muran xoogan oo u dhaxeeya odayaal iyo waxgarad kasoo kala jeeda beelaha reer Xaaji Saleebaan iyo Sacad oo ka wada tirsan beesha Habargidir, kaasi oo la xiriira maamul u sameynta degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Odayaasha iyo waxgaradka labada beelood ayaa mid walba waxay ku doodeysa inay tahay beesha ugu badan ee degta degmada Hobyo, sidaas darteed ay u xaq leedahay inay noqoto cidda mataleysa maamulka degmada.

Kulan ka dhacay Hobyo oo qeybaha kala duwan ee beesha reer Xaaji Saleebaan ay kasoo qeyb-galeen ayaa waxay soo jeediyeen in degmada loo dhiso gole deegaan, kaasi oo noqon mid maamulkeeda lasoo magacaabo.

“Anaga (Reer Xaaji) hadaan nahay waxaan gobolka Mudug ku leenahay 68 deegaan, waxaan xaq u laheyn helitaanka guddoomiyaha gobolka, taliyeyaasha ciidanka iyo waxyaabo kale oo badan, waxaana intaas oo dhan ku weynay in madaxweynaha Galmudug uu kasoo jeedo reer Xaaji Saleebaan oo haduu noo magacaabo booska xaqa u laheyn la leeyahay beeshiisa ayuu u roonaaday,” ayuu yiri mid kamid ah odayaash beesha reer Xaaji Saleebaan.

Marka laga imaado kulankan, sidoo kale waxaa jirta waxgarad ka tirsan beesha Sacad oo dhankooda sheegay in Hobyo ay tahay mid deegaan ahaan wax laga weydiinayo beeshooda, ayna leeyihiin mudnaanta maamulka degmadaasi.

“Waa in wax lagu qeybsada sidii xalka horay loogu gaaray. Reer Xaaji Saleebaan waa walaalaheen, daris baa nahay deegaankana waan kala leenahay oo horay waxaa inoo soo dhex-maray dhibaato badan mana dooneyno in markale waxaas dhacaan,” ayuu yiri mid kamid ah waxgaradka beesha Sacad.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Cadaado horay Sacad ayaa u lahaa ayaga nala soo dagay way naga soo saareen, waxaan leeyahay walaalaheen ma yeeleyno inaan idinku xad gudubno ee ha nagu soo xad gudbina.”

Muranka iyo isqab-qabsiga cusub ee ka dhaxeeya beelaha reer Xaaji Saleebaan iyo Sacad oo labadoodaba ka wada tirsan Habargidir ayaa imanaya, xilli uu dagaal xoogan oo ka dhan ah Al-Shabaab ka socdo deegaanada maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor ayaa dhawaan sheegay in deegaanada maamulkaasi ay yeelan doonaan maamulo ay soo doortaan dadka, ka horna loo magacaabi doono maamul KMG ah.