Kadib laba sano oo digniin ah, taliska NISA oo maanta ku guuleystay inay saaraan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska qeybta guud ee Nabad-Sugida gobolka Banaadir ayaa maanta ku guuleystay inay ka saaran dad deganaa dhul ku dhex yaala xarunta Akaadeemiyadda Jilicow, kaasi oo ay xiisadiisu taagneyd muddo badan.

Waxaa muddo Laba sano ah digniino la siinayay dad shacab ah iyo saraakiil Ciidanka Dowladda ka tirsan, si ay uga guuraan dhulkaasi, waxayna Maxkamadda Gobolka Banaadir si rasmi ah u amartay bishii Febraayo 2020-ka ka saaristooda, kadib markii uu Taliska qeybta guud ee Nabadsugidda gobolka uu codsi waaran ah u diray Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, sababta u weyn ee taliska gobolka u rabay in laga saaro dadkaas dhulka ku dhex yaala xarunta Akaadeemiyadda Jilicow, ay aheyd sababo amni oo food saaray.

Waxaa dhowr jeer agagaaraha dhulkaas ka dhacay falal amni darro, midaasi oo sare u qaaday walaaca Nisa ee ku aadan qataraha ka imaan kara arga-gixisada.

Si kastaba, Taliska qeybta guud ee Nabadsugidda gobolka Banaadir daba jooga amarka dhul ka saarista ee Maxkamadda gobolka Banaadir, ayaa maanta dadkaas gebi ahaanba ka saaray dhulkaas.