Xukuumadda iyo Amisom oo heshiis 3 qodob ah ka gaaray xasuuqii Golweyn + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddigii wasiirrada ahaa ee Ra’iisul Wasaare Rooble uu u magacaabay baaritaanka dhacdadii Golweyn ee lagu laayey dadka rayid ah, ayaa maanta shirkii ugu horreeyay la yeeshay taliska ciidanka AMISOM, waxayna xubnaha guddigaas oo warbaahinta la hadlay shaaciyeen heshiis ka kooban 3-qodob oo AMISOM ay la galeen.

Wasiirka cadaaladda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo qodobadii ay kala hadleen AMISOM warbaahinta la wadaagay ayaa sheegay in seddax qodob ay u kala qaadeen arrinta, kuwaas oo kala ah.

1 – In ciidankii dhibka geystay sharciga la hor-geeyo, kuwaas oo qaar la xiray, qaarna baaritaan lagu wado, sida uu sheegay wasiirku.

2 – In ehellada dadkii la dilay laga daaweeyo dhibkii dhacay oo AMISOM ay bixiso magta dadkii ay dishay.

3 – In AMISOM aysan dhibaatooyin dambe u geysan shacabka Soomaaliyeed.

“Arrinta ugu muhiimsan waxay tahay ciidamada AMISOM dalkaan ayey nala joogaan, waxaan maanta kala hadalnay taliska AMISOM in dhibaatooyin kale aysan dhicin mustaqbalka oo AMSIOM loo diyaariyo hanaan lagu koontoroolaayo dhaqdhaqaaqa ciidankooda,” ayuu yiri wasiirka cadaaladda xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ka guddi ahaan ay sii daba-geli doonaan maxkamadeynta ciidankii dadka rayadka ah ku dilay Golweyn, isla markaana ay ka shaqeyn doonaan in si dhab ah loo qanciyo dadkii dhibku gaaray.

Hoos ka daawo