Kadib socdaalka RUTO, Mareykanka oo ku dhawaaqay inuu Kenya u xushay booska…

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay inay Kenya u xusheen inay noqdaan dalkii ugu horreeyey ee ku yaalla wadamada Afrika ee saxaraha ka hooseeya.

Mareykanka ayaa Kenya u xushay inuu noqdo gaashaanbuurta ugu dhow Mareykanka marka laga saaro dalalka xubnaha ka ah isbahaysiga NATO ama non-NATO member US Ally.

Tallaabadan ayaa ah mid muujinaysa sida istaraatejiyadda iskaashiga amniga ee Mareykanka ay ugu sii jihaysanayso dhinaca dalalka ku yaalla bariga Afrika, xilli ay ciidamada Maraykanku baxayaan dalka Niger, taasi oo laga yaabo inay fursad u siiso ciidamada Ruushku inay isku ballaadhiyaan.

Kenya ayaa fursad u heli doonta inay galaan-gal ama fursad u hesho taageero dhinaca milateriga ah iyo mid dhaqaale oo la mid ah kan ay haystaan xubnaha isbahaysiga NATO, hase ahaatee kama mid noqon karaan heshiiska difaaca ee uu ku dhisan yahay isbahaysiga NATO, kaasi oo isku haya dalalka xubnaha ka ah isbahaysigaasi.

Sarkaal sare oo u hadlay maamulka Biden ayaa u sheegay weriyayaasha in madaxweyne Biden uu u gudbin doono golaha Congresska arrintan, taasi oo laga yaabo inay qaadato illaa 30 maalmood, si ay u hirgasho.

Kulamada dhex-maray madaxweynayaasha Kenya iyo Mareykanka, iyo soo dhoweynta madaxweyne Ruto ayaa socotay maalinimadii Khamiista oo dhan.

Waxaana habeenkii xalay ahaa loo qabtay casho sharaf ay ka soo qayb-galeen illaa 500 oo marti ahi, oo ay ku jiraan madaxweynayaashii hore ee Maraykanka Barack Obama iyo Bill Clinton, iyo xoghayihii hore ee arrimaha debedda ee Mareykanka, Hillary Clinton.