Kala iibsiga xildhibaanada Puntland oo ka bilaabatay magaalada Garowe (Xog)

Garowe (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Garowe ayaa sheegaya in kulamo gaar gaar ah ilaa xalay ay ka dhacayeen magaalada, kulamadaasi oo ay yeelanayaan musharixiinta iyo xildhibaanada baarlamaanka.

Wararka ayaa sheegaya in musharixiinta ay bilaabeen inay kala xod xotaan xildhibaanada sameynaya doorashada madaxweynaha maamulka Puntland, waxaana xilkaasi u taagan inka badan 25 Musharax.

Xalay siyaasiyiinta ku sugan magaalada Garowe ma aysan seexan, waxaana socda loolan adag oo ka dhex bilowday qaar kamid ah musharixiinta doonaysa xilka madaxweynaha maamulka Puntland.

Kulamada ugu badan ayaa u dhaxeeyay musharixiinta isbadal doonka ah, waxaana la sheegay inay jireen dhaqdhaqaaqyo badan oo ay sameynayeen musharixiintaasi.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa shalay doortay guddoomiyaha baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeenka, waxaana natiijada ay muujisay in musharixiinta isbadal doonka ah ay heleen kuraasta guddoonka qaarkood

Helida Mucaaradka ay heleen kuraasta ugu sareyso guddoonka baarlamaanka ayaa ka dhigeysa inay heli karaan xildhibaanadii codadkooda siiyay guddoonka baarlamaanka.

Madaxweyne Gaas oo seddex jeer u horey u sheegay inuusan tartami doonin ayaa kamid ah musharixiinta doorashada 8 Janaayo tartameysa, waxaana uu dareemayaa colees weyn oo kaga imaanaya musharixiinta la tartameysa iyo siyaasiyiin aan tartanka ku jirin.

Dhinaca waxaa maanta la filayaa in guddoonka baarlamaanka Puntland ay soo saareen magacyada guddiga ka shaqeynaya doorashada madaxweynaha maamulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com