Sawiro: Maxay dhex-maray Gaas iyo gudoonka cusub ee baarlamanka P/LAND

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/Welli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta la kulmay guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland C/Xakiin Maxamed Axmed iyo labadiisa ku xigeen.

Madaxweynaha Puntland C/Weli Maxamed Cali Gaas ayaa markale hambalyo u diray guddoonka cusub ee baarlamaanka, waxaana ay ka wada hadleen howlaha doorashooyinka ee dhawaan ka dhacaya magaalada Garowe.

Guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada dowlad Goboleedka Puntland ayaa Madaxweynaha Puntland uga mahadnaqay hambalyada, dhiirigelinta iyo dedaalka uu ugu jiro qabsoomidda doorashada Puntland.

Kulanka guddoonka baarlamaanka iyo madaxweyne Gaas kadib waxaa madaxweynaha Puntland uu guddoonka baarlamaana kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan cadaalada iyo hufnaanta doorashada madaxweynaha maadaama ay yihiin indhihii ay fiirsanayeen shacab Puntland.

Ugu dambeyn madaxweyne Gaas ayaa shacabka deegaanada Puntland kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan ka hor taga wax walbaa oo carqaladeyn kara doorashooyinka taariiqiga ah ee ka dhacaya Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com