Eryiddii hay’ad samofal oo Maraykan ah ee 1967-kii iyo eryida danjire Haysom

Dhacdadii DFS dalka uga eriday 01/01/2019 wakiilkii QM ee Nicholas Heysom, ayaa ku soo beegmaysa dhacdo isla bisha iyo ayaantaas oo kale 01/01/1967, uu allaha u naxariistee duqii Magaalada Gaalkacyo uga eryay hay’ad samafaleed oo laga lahaa wadanka Maraeykanka.

Dhacdadaan ayaa timid marka dadka shacabka Galkacyo ka muujiyeem diidmo iyo dareen ku aadan, hab dhaqanka hay’adaas oo faraha la gashay in dhalintii dooriso ayadoo keentay dhaqannadii reer Galbeedka wadanka.

Xiligaas oo ay dadku aad uga shakisanaayeen Gaallada iyo dhaqamadooda in ay ka dooriyaan ubadkooda.

Hay’adu shaqada ay u timid ayaa ahaa dhismaha dhowr iskool, oo uu ugu horeeyay in ay qaybo cusub ku daraan dugsiga Bardacad, oo xiligaas uu ka dhisnaa qaybta hore, ee wayadii danbe ahayd dugsiga hoose. Sidoo kalena waxaa ku jiray in ay tuullada Bacaadwayn oo dhinaca waqooyi ka xigta laga furo dugsi hoose.

Hay’adu waxa ay daganayd guryo ku yaalay halka loo yaqaanau xeradii Daraawiishta, oo waagii danbe ciidanka Daraawiishta saldhiga u ahayd. Waxa ay hay’adu xiriir la yeelatay dhalinyaradii magaalada ee waxbarashada u oomanayd, ayagoo bilaabay in ay xaflado muusik iyo qoobka ciyaar ah ku qabtaan xaruntooda, khaas ahaan markii la soo gaaray xiligii Kirismaska.

Akhbaartaas markay ku fiday magaalada, ayaa waxaa la soo gaaray habeenkii sanadka cusbaa 01/01/1967-dii. Habenkaas ayaa dhalinyaro ka mid ahayd xisbigii Great-ka ku soo wargasheen allaha u naxariistee duqii Gaalkacyo, Xusseen Ciid, in khaskii ugu wayna oo khamri, music iyo qoob ka ciyaari xaruntii hay’ada ka jiro, dhalintii baladkuna inbadan xertaas ku biireen.

Xusseen Ciid markii akhbaartu soo gaartay, ayuu toos u soo aaday xaruntii, asagoo diidaya in la aqoonsado. Goobtii ayuu soo gaaray wax walba oo socdayna indhihiisuu ku arkay. Dhalintii oo ku jirta dabaaldagii, wixii loo dhigayna raqay, ayuu goob joog u noqday.

Subaxii markuu waagu baryay ayuu golihii deegaanka Gaalkacyo shir degdeg ah u qabtay, isagoo u soo bandhigay wixii xalay uu soo arkay, iyo warbixinadii awal soo gaaray. Dood iyo falanqayn dheer ka dib waxaa la isku raacay in sii joogitaanka hay’adani wax dan ah ugu jirin bulshada Gaalkacyo, dhalintoodana ka badbaadsadaan Gaallada.

Duqii Gaalkacyo waxuu ku dhawaaqay go’aankii goluhu qaatay hay’adiina waxaa 01/01/1967-dii laga eryay Gobalka Mudug in ay ka shaqayso, ugana baxdo Gaalkacyo 24saac.

Go’aankii waxaa loo diray dowladdii dhexe oo xiligaas uu RW ka ahaa Allaha u naxariistee Cabdirisaaq Xaaji Xusseen, oo awalba soo diray hay’adaas in Gobolka Mudug waxbarashada ka caawiso.

Muqdisho markii warbixintaas gaadhay ayaa waxaa soo hadlay RW Cabdirisaq Xaaji, asagoo xusaya in baahi loo qabay dhisida iskoollada, muhiimna ahayd in ay hay’adu dhamaystirto dhismayaashii ay balanqaaday.

Duqii Magaalada ayaa ku wargashay RW Cabdirisaaq, khatarta ka wayn ee ay hay’adani u leedahay bulshada Gaalkacyo, aysanna ka laabanayn go’aanka ay qaateen. Arinta ku aadan hawlihii dhismayaasha iskoolada ahaa ee ay fulin lahayd Hay’adaanna ay ayagu waa reer Gaalkacyoodde dhabarka u ridanayaan, canshuurtoodana ku dhisanayaan iskooladooda.

Rw Cabdirisaaq ayaa hadalkiisii kusoo afxiray, ‘’Wan idinkula xisaabtamaynaa haddaad ka soo bixi waydaan, waxa aad balanqadeen’’.

Isla sanadkiiba canshuurtii reer Gaalkacyo waxaa laga dhisay iskoolka Bardacad qaybta dhexe iyo dugsiga hoose ee Bacaadwayn. Hay’adii iyo sharkeediina meeshaas ayay ku dhamaatay.

Tani waxa ay noqotay waxyaaba lagu xasuusto allaha u naxariisto Xusseen Ciid iyo go’aamaduu qaatay intuu duqa magaallada Gaalkavyo ahaa. Sidoo kale waa cashar muujinaya Soomaalidu haddii ay rabto in ay waxqabsato in ay qabsan karto, haddii ay hesho dad kartideedii leh, una daacad ah waxa ay qabanayaan.

Markaan u soo laabto in badan oo walaac ka muujiyay eryidda Nicholas Haysom, sidii kadabkoodu go’ayo, Soomaalida maanta ayaa ka waxtar badan tii 1967-kii haddii ayrabaan in ay waxqabsadaan, baryana wadan laguma dhiso, ee waa in naf iyo maalba loo huraa.

Canshuurta Gaalkacyo haddi iskooladeedii lagu dhisayay 1967, maanta maalmul gobaleed dhan ayaan musqul dhisan Karin, oo leh hay’adbaan rabnaa in ay noo dhisto, ayadoo canshuurtii dadkana bangiyo lagu shubanayo, sidii wax ninkaasi shaqaystay. Dhaqanada noocaas ah weeye dowladnimada Soomaaliya waxa hortaagan, Soomaalina la rabo in ay ka wantowdo.

W/Q Muxyadiin Xusseen Ciid
muciid@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid