KALIIL oo gaaray go’aan ka careysiiyay Madoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Gudoomiyihii DF Somalia uga wakiilka ahaa Gobolka Gedo Maxamed Cabdi kaliil uu wali ku adkeysanaayo go’aankiisii ahaa in Gedo uu isaga ka taliyo.

Maxamed Cabdi kaliil ayaa la sheegayaa inuu ku doodaayo in Somalia ay ka taliso Dowlada Madaxweyne Xassan islamarkaana ay iyada usoo xulatay Xilka Gudoomiyenimo wixii isaga kasoo harana ay yihiin Xubno isaga hoostaga misna ka amarqaata.

Kaliil ayaa sheegay in ujeedkiisa uusan aheyn xilka balse uu diidan yahay in Axmed Madoobe uu shacabka Gedo ku qasbo rabitaankiisa, sidaa awgeedna uu isaga xilka ugu adkeysanaayo.

Kaliil ayaa ku adkeysanaaya in Gedo la keeno maamul kale oo ay soo magacawday DF Somalia, haddii arrinku yahay rabitaanka Axmed Madoobe uu isna ku adkeysan doono xilka Gudoomiyenimo.

Sidoo kale, Maxamed Cabdi kaliil waxa uu kasoo horjeedaa in Gedo ay ka arrimiyaan Ciidamada Ethiopia oo uu ka aaminsan yahay inay garab boodayaan Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe taasina aysan suuragalin Karin inuu xilkaasi ku wareejiyo Maamulka cusub ee uu soo dhisay Axmed Madoobe.

Arrintaani ayaa imaaneysa iyadoo Wasiirka Gaashaandhiga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay wali ku sugan yihiin Magaalada garbahaareey ee Gobolka Gedo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com