Xasan Sheikh oo ku adkeystay go’aankiisii hore isaga oo sheegay in kooxda DAMU-JADIID ama…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa ku adkeystay go’aano uu horay kaga qaatay kooxda Dam-jadiid, oo ahaa inuusan ka mid aheyn koox diimeed dalka Soomaaliya maamusho, sida uu sheegay.

Isaga oo la hadlay warbaahinta ayuu sheegay Xasan Sheikh Maxamuud in waligii uusan kamid noqon koox diimeed ka dhisan dalka Soomaaliya oo dooneysa iney la wareegaan awooda dalka Soomaaliya.

“Koox ka dhisan Soomaaliya oo dooneysa maamulka dalka, waligey kuma aanan biirin mana ku biirayo, Dam jadiid ha noqoto, Ahlu sunna, Al Islaax, Al Itaxaad iyo Aala Sheikh intaba”ayuu yiri Xasan Sheikh.

Madaxweyne Xasan Sheikh, ayaa sidoo kale beeniyay in wax ka badal aan lagu sameyn doonin astaanka calanka Soomaaliya gaar ahaan Xidigta Shanta Gees leh.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay in wararkaasi maalmahaan la isla dhexmarayay baraha bulshada ku wada xiriirto, laakiin marnaba aysan dhici doonin in wax lagu kordhiyo ama laga dhimo astaanta qaranka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com