Qorshe adag oo loo dagay dowlado ay Somalia safka hore uga jirto (Arrintan maxay keeneysaa?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in dhawaanahaani gobolka Bariga Afrika loo dhaqan galiyo Ciidamo si joogta ah ugu jira heegan kuwaasi oo u sinaan doona dhamaan Dowladaha dhaca Bariga Afrika.

Shirka lagu taabagalin lahaa qorshahaani ayaa waxa uu iminka ka socdaa magaalo madaxda Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti.

Ujeedka ugu weyn ee shirka ayaa ah sidii loo sameyn lahaa ciidamo heegan ah oo uu yeesho gobolka Bariga Afrika kuwaasi oo loogu tallo galay inay gurmad u ahaadan dhacdooyinka degdega ah.

Shirkaani ayaa waxaa ka qeybgalay Dowlado tiradooda lagu sheegay ilaa 10 dal oo dhaca Bariga Afrika, kuwaasi oo yeelan doono Ciidamo aan xuduud laheyn oo u kala goosha gabi ahaan dalalkaasi.

Cali Aadan Xumud oo ah Korneylka shirkaasi u matalaaya Dowlada Jabuuti ayaa sheegay in Ciidanka la dhisi doono ay ka ammar qaadan doonaan Midowga Afrika iyo Golaha ammaanka balse ay gaari doonaan dal waliba oo dhaca Bariga Africa.

Sidoo kale waxaa shirkaasi DF Somalia u matalaaya Generaal Axmed Sheekh Maxamuud waxa uu isna sheegay in Ciidamada la dhisaayo laga soo uruurin doono dhamaan Dowladaha dhaca Bariga Africa waxa uuna tilmaamay in dhismaha Ciidamadaasi ay waxbadan ka caawin doonto DF Somalia.

Geesta kale, Dowladaha ugu tunka weyn ee qeybta ka ahaan doona ayaa waxaa kamid ah Somalia, Burundi, Jabuuti, Rwanda, Kenya, Sudan, Itoobiya iyo dalal kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com