Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkaddo ajaaniib ah ayaa boob ku haaya Ciidda ama Bcaadka Soomaaliya, iyadoo kunteenaro looga soo daabulaayo deegaanada dhaca waqooyiga Muqdisho oo ah inta u dhaxeysa Ceel Cadde iyo Warshiikh ee ka tirsan gobolka shabeellaha dhexe.
Ciiddaan ayaa laga dhoofiyaa dekadda Muqdisho, iyadoo ay ku lug leeyihiin Ajaaniib caddaan ah iyo ciidamada AMISOM ee ku sugan xarunta Xalane ee Taliska AMISOM oo u xil saaran ilaalin, iyadoo aan la ogeyn dalalka loo dhoofiyo.
Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa sheegay in arintaan ay tahay mid lagu ciribtirayo jiritaanka Soomaaliya iyo nabaad guur lagu haayo dhulka Soomaaliyeed oo shirkaddo iyo ajaaniib usoo shaqo tegay.
Waxay sheegeen Aqoonyahanadan in aysan jiri karin cid si gaar ah ugu qeyla dhaamin karta boobka lagu haayo dhulka Soomaaliya, maadaama ay u baqayaan naftooda, ciddii isku daydana suuragal noqon karta in la bartilmaameedsado.
Howshan lagu boobayo ciidda Soomaaliya ayaa si gaar ah u daabula ajaaniib caddaan ah, iyadoo ay ilaaliyaan marka dekadda loo soo daabulayo Ciidamada AMISOM.
Halkan ka dhageyso aqoonyahan kashifay sirtan
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

