Warbixin: Gefkii Axmed Cawad iyo beentii uu u sheegay Soomaalida + Caddeyn

Washington DC (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa shalay laga dejiyey 90 qof oo Soomaali ah oo laga soo masaafuriyey dalka Mareykanka, kadib markii loo diiday inay magan galyo ka helaan dalkaas.

Wax dhib ah kuma sugna in qof lagu celiyo dalkiisa hooyo, hase yeeshee waxaan dooneynaa inaan halkan ku sharaxno qaabka dadkaas lagu celiyey iyo gefkii uu ka galay safiirka Soomaaliya ee magaalada Washington DC iyo beentii uu sheegay markii uu wareysi siiyey idaacadda Mareykanka ee VOA.

Axmed Ciise Cawad ayaa saddex been oo aad u weyn ku sheegay wareysiga, kuwaas oo kala ah 1- In Mareykanka aaminsan yahay in Soomaaliya tahay meel nabad ah oo lagu noqon karo. 2 – in Safaaraddu aysan shaqo ku lahayn celinta dadkaas, iyo 3 – In dadkaas ayaga ay ogolaadeen in la celiyo. Waxaan soo bandhigeynaa caddeymo naqdinaya saddexdaas arrin

Halkan ka dhageyso beenta Axmed Cawad

Mareykanku ma aaminsana in Soomaaliya tahay meel nabad ah oo lagu noqon karo, waxaana ayaan darro ah in been intaas la eg uu Axmed Cawad u sheego bulshada Soomaaliyeed. Waxaa caddeyn ku filan go’aan 17-kii bishan u kasoo baxay xoghayahii amniga gudaha (Homeland Security) Mareykanka ee dowladdii Obama, Jeh Johnson.

Go’aankas ayaa waxaa lagu dheereeyey waqtiga barnaamijka TPS (Temporary Protected Status), oo dadka Soomaalida ah u ogolaanaya inay dalka Mareykanka sii joogaan illaa bisha September ee sanadkan, halka markii horey uu ku ekaa bisha March ee sanadkan. TPS ayaa waxaa la siiyaa dadka aan dalalkooda ka jirin nabad ee aan dib u noqon karin, wuxuuna u ogolaanayaa inay ka shaqeystaan Mareykanka.

Go’aanka Mareykanka ee soo baxay 17-kii bishan halkan ka akhriso ama eeg sawir aan kasoo qaadnay website-ka waaxda Homeland Security.

Axmed Cawad ayaa been labaad oo aad u weyn sheegay oo ah in dadka la celiyey ay ogolaadeen ayaga. Wareysiyo badan oo dadkaas horey looga qaaday waxay ku caddeeyeen inaysan marnaba ogolaan in Soomaaliya lagu celiyo, arrintanna ay ka dambeyso safaaradda. Halkan ka dhageyso mid ka mid ah wareysiyada dadka la masaafuriyey oo burinaya been 2 iyo been 3, ee uu sheegay Axmed Cawad

Waxaa sidoo kale la yaab lahaa in dad dhowr qof un ahaa oo horey Mareykanka loogu xiray uu u magac huwiyo dadka soo galootiga ah, isaga oo wareysiga ku sheegay in dad badan oo dadkan ka mid ah ay yihiin dambiilayaal.

Axmed Cawad ayaa dhinaca kale sheegay in safaaradda Soomaaliya aysan arrintan shaqo ku lahayn, haddana wuxuu afkiisa ku qirtay inuu aaminsan yahay in Soomaaliya ay tahay meel nabad ah. Waxaa yaab leh in marka uu sidaas leeyahay saacado yar un ka hor magaalada Muqdisho ee dadkaas lagu celiyey ay ka dhaceen laba qarax oo 30 qof ay ku geeriyoodeen ayna ku dhaawacmeen 51 kale.

Caasimada Online waxay ogtahay in dadkan lagu celiyey saxiixa safiirka Soomaaliya, isaga oo xaqiijiyey in Soomaaliya ay nabad tahay. Dowladda Mareykanka marnaba ma celin lahayn dadkaas, waayo waxaa qabanaya xeerarka caalamiga ah ee qaxootiga, hase yeeshee maadaama dowladda Soomaaliya xaqiijisay in dalku nabad yahay, waa ay ka maran tahay wax eed ah.

Dad dalkoodii lagu celiyey ceeb maaha, waana meel uga wanaagsan xabsiga ay ku jireen. Hase yeeshee waxaa ayaan darro ah mas’uul been cad u sheegaya umadda, haddana aysan la ahayn in laga daba-tagayo, sida ay iminka uga daba tagtay Caasimada Online

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
caasimada@live.com