Kenya oo billowday inay ka faa’iideysto biyaha Somalia, kadib go’aankii maxkamada

By Istar Cabdi Yuusuf

Nairobi (Caasimada Online) – Lix bilood ayaa laga joogaa markii ay Maxkamadda Cadaalladda Adduunka xukuntay dacwadii badda ee u dhaxaysay Soomaaliya iyo Kenya, go’aankaas oo inta badan aagga lagu muransanaa u xukumay Soomaaliya.

Aggaas oo ka tirsan badweynta Hindiya ayaa la rumaysan yahay inuu leeyahay shidaal iyo gaas, sidoo kalena waxa uu qani ku yahay noocyada kala duwan ee noolaha badda.

Kenya ayaa diidday inay u hoggaansato go’aanka Maxkamadda, iyadoo kalluumaysateeda, gaar ahaan kuwa Lamu ay weli ka jillaabtaan qeybta loo xukumay Soomaaliya.

Abubakar Twalib oo kamid ah kalluumaysata Lamu, muddo 30 sano ah ku jiray hawshaas ayaa subax kasta u shaqo taga biyaha lagu mursan yahay, gaar ahaan qeybta loo xukumay Soomaaliya.

Waxa uu kamid yahay tiro kalluumaysato reer Lamu ah oo wacad ku maray in aysan aqbali doonin go’aanka maxkamadda, halka qaar kale ay ka baqeen tallaabada noocaas ah.

Weriyaha BBC Emmanuel Igunza ayaa la kulmay Abubakar oo maalin kasta ka kaluumeeysta badda loo xukmiyay Soomaaliya.

Ka hor inta uusan safarka u bixin, Abubakar ayaa weriyaha tusay doonyo kalluumaysi oo camal la’aan ah.

“Dhammaantood waxay ka soo jilaabban jireen biyaha Soomaaliya, hadda waa shaqo la’aan oo kalluumaysata ma haystaan waxay ku maareeyaan noolal maalmeedkooda, muranka labada waddan awgii,” ayuu yiri Abubakar.

70% kalluunka lagu iibiyo jasiiradda Lamu ayaa laga keenaa aagga ay labada waddan isku hayaan ee badweynta Hindiya. Waxaa laga heelaa noocyada ugu qaalisan kalluunka, gaar ahaan aargoosatada.

“Haddii uu dhaqangalo go’aanka maxkamadda, waxa uu nooga dhigan yahay geeri. Waxaan ka cabsi qabnaa inay ka dhalato saamayn ballaaran. Waxaa suuragal ah in argagixasada ay ka faa’iideysato kalluumaytada shaqo la’aanta ah.”

Abubakar ayaa sheegay in sanado badan ay ka kalluumaysanayeen baddaas, haddana ay u muuqdaan kuwo ajaaniib ku ah dhulkooda.