24.9 C
Mogadishu
Saturday, May 30, 2026

Kenya oo bilowday howlgal lagu beegsanayo dhalinyaro Soomaaliyeed + Sababta

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa haatan bilaabay howlgal culus oo lagu beegsanayo qaar kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Nairobi ee caasimada dalkaasi.

Booliska ayaa shaaca ka qaaday in uu ka hortagayo dhalinyaradaas oo bilaabay inay muuqaallo  kusoo duubaan waddooyinka muhiimka ah, iyaga oo ka dhigto (Challenge), waxayna ku duubayaan jidadka mashquulka badan ee caasimada Kenya.

Sidoo kale wuxuu Boolisku intaasi kusii daray in arrintan ay sababtay in ay sii kordheen shilalka iyo dhacdooyinka naxdinta leh oo ay ku dhinteen qaar kamid ah dhalinyarada halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen, iyaga oo markaa duubayay muuqaallo baraha bulshada ah.

Kenya ayaa sdioo kale safaaradda Soomaaliya ee Nairobi u gudbisay dacwad ka dhan ah dhallinyaradaas, si wax ooga qabto, loona yareeyo halista ka imaan karta waddooyinka.

Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle oo dhankiisa ka hadlay arrintan ayaa tilmaamay in dambi ay tahay in la’isku sawirro waddooyinka, wuxuuna ugu baaqay dhalinyarada inay tegaan hoteellada iyo meelaha kale ee loo dalxiis tego.

Waxaa kale oo uu ugu baaqay dowladda Kenya iyo waalidiinta dhalinyarada in laga hortago ficillada dhalinyaradaas oo halis gelin kara naftooda iyo bulshada kale.

“Waxaa maalmahaan jira barnaamijyo la xiriira dhallinyaro Soomaaliyeed oo waddooyinka waa weyn ee Nairobi sawirro isaga qaado, waa khalad waana dambi, waxa aan leenahay hoteel ayaad isaga qaadi kartaa, guri ayaa isaga qaadi kartaa oo meelo kale ayaa ku samayn kartaa, muhiim ma ahan in aad gaari isku dhigtid, qof ayaa ku dhintay, dad kale ayaa ku dhaawacmay” ayuu yiri safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya.

Nairobi ayaa waxaa ku nool Soomaali fara badan oo waxbarasho iyo ganacsiyo ku haysta, taas oo Soomaalida ka dhigtay inay ka dhex muuqdaan bulshooyinka kale.

- Advertisement -

Read more

Local News