32.9 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Sawirro: Maxay ku heshiiyeen Soomaaliya iyo Marooko?

Bookmark
Bookmarked

Share

Rabat (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali oo magaalada Rabat kula kulmay, wasiirka arrimaha dibadda, iskaashiga Afrika iyo qurbajoogta Morookaanka ee Boqortooyada Morooko ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa intii uu socday, labada wasiir waxa ay saxiixeen tubta iskaashiga oo taabagal noqon doonta inta u dhexeysa sanadaha 2026–2028, taas oo diirradda saari doonta ballaarinta iskaashiga qaybaha muhiimka ah, oo ay ka mid yihiin beeraha, biyaha, waraabka, kalluumeysiga badda, dalxiiska, tamarta la cusboonaysiiyo, waxbarashada, tababbarka xirfadaha, tacliinta sare, caafimaadka, ammaanka, maalgashiga dhaqaalaha, isbeddelka cimilada, ciyaaraha, iyo dhaqanka.

Sidoo kale, heshiisku wuxuu kordhinayaa tirada deeqaha waxbarasho ee sanadlaha ah ee la siiyo ardayda Soomaaliyeed oo la gaarsiiyay ilaa 120. Deeqahani ayaa waxa ay dabooli doonaan waxbarashada heerarka kala duwan ee jaamacadeed.

Labada Wasiir ayaa sidoo kale saxiixay heshiis u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Marooko oo ku saabsan in labada dowladdood ay ka dhaafaan baasaboorka diblomaasiga shuruudaha dal-ku-galka, si loo fududeeyo socdaalka diblomaasiyiinta iyo booqashooyinka rasmiga ah.

Labada dhinac ayaa waxa ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay isku-duwidda iyo latashiyada siyaasadeed ee arrimaha fagaarayaasha heer gobol iyo heer caalami , iyada oo la isla qaatay in wadashaqayntani ay ka caawinayso in la mideeyo aragtiyada ku saabsan arrimaha labada dal ay wadaagaan, iyadoo la dhowrayo mabda’a nabadda, madax-bannaanida, iyo midnimada dhuleed.

Waxaa kale oo ay carabaabeen taageeriddooda madax-bannaanida iyo qarannimada labada dal, iyagoo bogaadiyay go’aanka ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2797.

Si kastaba, Kulankani waxa uu qayb ka yahay iskaashiga “Koonfur–Koonfur”, waxa uuna muujinayaa marxalad cusub oo lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo Marooko

- Advertisement -

Read more

Local News