Kenya oo duqeyn ku dishay shacab ku sugnaa GEDO

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in mar kale diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya ay duqeyn xoogan ka fuliyeen qaybo ka mid ah gobolkaasi, gaar ahaan magaalada Ceel Cadde ee gobolkaasi.

Korneel Aadan Rufle oo kamid ah dadka deegaanka, isla-markaana in muddo ah ka qaylo dhaaminayay dhibaatooyinka ka jira gobolka Gedo ayaa ka warbixiyay duqeymahaasi.

Waxa uu tilmaamay in la beegsaday dad shacab ah oo ku sugnaa aagga Ceel Cadde, isla-markaana uu jiro khasaare dhimasho, dhaawac iyo burburba leh.

Sidoo kale Aadan Rufle ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan wiil iyo gabar isla dhashay oo kala ahaa sideed sano jir iyo lix sano jir.

“Degmada Ceel Cadde bartamaha gobolka Gedo raxan diyaaradaha Kenya ah ayaa waxa ay ka sameeyeen gumaad naf iyo maalba leh meeshaa waxaa ku dhintay laba canug oo saqiir ah, Aamino Cabdirisaaq Xuseen & Maxamed Cabdirisaaq Xuseen oo isla dhashay” ayuu yiri.

Korneelka oo sii hadlaya ayaa shaaca ka qaaday in dhaawac uu soo gaaray illaa 10 qof, sidoo kalena diyaaradaha ay burburiyeen xarumhihii muhiimka ahaa ee magaaladaasi.

“Waxa dhaawacmay dad ku dhowaad 10 qof ah, waxaa burburay xarumihii muhiimka ahaa ee degmada, sida ceelsha, korontada, bakhaarada raashinka iyo masaajida” ayuu raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu baaq dheer u diray dowladda federaalka iyo Jubbaland oo uu ka dalbaday inay wax ka qabtaan dhibaatada ay Kenya ku hayso shacabka gobolka Gedo.

Ceel Cadde ayaa waxaa horay uga dhacay weerar askar badan looga laayay dowladda Kenya, kaas ooay  ka dambeysayAl-Shabaab, waxaana tan iyo markaas ay duqeymo xoogleh ku socdeen magaaladaas iyo tuulooyinka ku xeeran oo la rumaysan inay ku sugan yihiin xoogaga Al-Shabaab oo inta badan soo weerara ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS.