Kenya oo garoon diyaarad ‘ka dhisaneyso’ Ceelwaaq

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in shirkad fadhigeedu yahay Nairobi ay dhismo cusub ku bilowday garoon diyaaradeed oo laga hirgalinayo gudaha degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi.

Kornel Aadan Rufle oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Gedo ayaa sheegay in garoonkaasi ay dhisaneyso dowladda Kenya, islamarkaana ay ka leedahay dano gaar ah, sida uu hadalka u dhigay.

Rufle ayaa tilmaamay in Kenya ay dooneyso in jabhado laga soo aruuriyey Puntland, Soomaali Galbeed iyo NFD ay ka soo dajisyo garoonka cusub ee haatan laga dhisayo gudaha degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, gaar ahaan dhinaca dhulka NFD.

Jabhadahaasi ayuu sheegay in lagu burburinayo dowladnimada Soomaaliya, islamarkaana looga soo horjeeda Qaranimada Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in qandaraaska dhismahaasi ay soo qaateen muwaadiniin Soomaaliyeed, taasina ay tahay ayaan darro aad u weyn.

Ugu Dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed inay ka feejignaadaan dhagar iyo hagardaamo uu sheegay inay wado Kenya.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan dhaq dhaqaaqyo Milatari oo ay qeyb ka tahay Kenya laga dareemayo gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.