Kenya oo joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi

Nairobi (Caaismada Online) – Dowladda dalka Kenya ayaa ka baxday heshiiskii ugu muhiimsanaa oo ay la gashay Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo kaas oo ahaa in diyaaradaha rakaabka sida ee ka baxa magaalada Muqdisho ay toos uga dagaan Garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Caasimada Online ayaa ogaatay in maanta gelinkii dambe lagu wargeliyay dhamaan Shirkadaha duulimaadka Soomaaliya in aysan ka dagi karin Karoonka Joma Kenyatta ee magaalada Nairobi sidii hore u dhici jirtay balse looga baahan yahay in ay sii maraan Garoonka diyaaradaha ee Wajeer.

Xogta ay heshya Caasimada Online ayaa sheegaysa in Diyaaradaha ka baxa Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ay qasab ku tahay in ay maraan Garoonka Wajeer ee ku dhow Xuduuda Soomaaliya iyo Kenya si halkaasi loogu sii baaro.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa hore ugu heshiiyay in duulimaadka ka baxa magaalada Muqdisho aysan sii marin Wajeer oo ay toos uga dagtaan Garoonka magaalada Nairobi ee Joma Kenyatta sida duulimaadyada kale ee ka yimaada wadamada kale ee dunida.

Arintaan ayaa u muuqato in ay muujineysa bur bur ku yimid heshiiskii ay galeen dalalka Soomaaliya iyo Kenya maadaama ay Kenya joojisay duulimaadka ka baxa Muqdisho in ay toos uga dagaan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Ma jirto ilaa hada wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo arintaan ku saabsan. Sidoo kale ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Shirkadaha duulimaadka Somaaliya oo markii horaba dhib badan ku qabay marista Garoonka diyaaradaha ee Wajeer. Waqti badan ayaa la sheegay in Soomaalida uu halkaasi kaga lumo sidoo kalane ay wajahaan dhibaatooyin kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com