Qodobada heshiiska lagu baabi’inayo Falastiin oo si sir ah loo helay (Aqriso)

Qudus (Caasimadda Online) – Wargeys Isra’iil laga leeyahay ayaa soo daabacay heshiis si xatooyo ah loo helay oo dhex maray Mareekanka iyo Israa’iil kaasi oo loogu magac daray “Heshiiska Qarnigan” waxaana kala saxiixdeen madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Ra’iisul Israaiil Benjamin Netanyahu.

Ma jiro masuul ka tirsan Mareekanka, Israaiil ama Falastiin oo ka hadlay heshiiskan sida qarsoodiga ah u heleen wargeska Israel Hayom ee aad ugu dhow Ra’iisul Wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu.

Haddaba wargeska Israiil kasoo baxo xogta uu helay ee heshiiskan ku xeyn daaban qodobada uu ka kooban yahay ayaan idiin heynaa:

Heshiis Sedex Geesood Ah:

Heshiis sedex geesood ah waxaa wada galayaan Isra’iil, Palestine Liberation Organization (PLO) and Hamas waxaana la sameynaa dowlad cusub oo la dhaho New Palestine waxaana laga aas aasaa West Bank iyo Gaza dowladan cusub ee Falastiin yeelan doonto.

Dhulka Waa Laga Guurin Doonaa Falastiin:

Dhulalka haatan xir xiran ee Israiil ka taliyaan kuna yaaliin Gaza waxaa sii maamuuli doonto Israaiil sidoo kalena inta badan dhulka Gaza Israaiil ayaa lagu wareejin doonaa.

Jerusalem (Qudus)

Marnaba lama qeybsan doono Jerusalem waxay noqon doontaa caasimad ka dhaxeyso Israaiil iyo Falastiinta cusub. Dadka Carabta ah ee Jerusalem ku nool waxay noqonayaan muwaadiniin Falastiinta cusub ka tirsan.

Dowlada hoose Jerusalem oo Israaiil hoos imaado ayaa wax walbo maamuleyso marka laga reebo dhanka waxrabarashada oo Falastiinta cusub loo madax banaaneyn doono laakiin canshuuraadka iyo bixinta dhalashooyinka Israaiil ayaa masuul noqon doonto.

Gaza:

Dowalada Masar waxay caawin doontaa dadka reer Falastiin ee Gaza laga soo rararaayo waxayna siinayaan dhul cusub oo ay Airport ka sameestaan, beero iyo arimo ganacsi u adeegsadaan balse dhulkaan waa kiro ee ma ahan mid toos Falastiin loo siinayo.

Dowladaha Heshiiskan Kaabayaan:

Dowladaha heshiiskan hirgalintiisan dhaqaale ahaan kaabayaan waxaa ka mid ah Mareekanka, Midowga Yurub iyo dalalka Khaliij-ka ee shidaalka soo saaraan.

Waxayna dalalkan bixinayaan $30-bilyan oo ay miisaaniyad 5-sano ah ku bixinayaan dhisada iyo hirgalinta dowlada Falastiin cusub loo sameenayo.

Militariga:

Falastiinta cusub looma ogolaan doono ciidan military ah inay sameestaan, kaliya waxaa loo ogolanaa hubka sahlan inay adeegsadaan ciidamada booliska Falastiinta cusub. Sidoo kalena waxay kala saxiixanayaan Israaiil iyo Falastiinta cusub in Israaiil difaaci doonto Falastiinta Cusub haddii dal kale kusoo xad gudbo.

Hirgalinta Heshiiskan Waxa Ku Xeyn Daaban:

Marka heshiiskan la wada saxiixdo Xamaas hubka ayay iska dhigi doontaa.

Hogaamiyaasha Xamaas waxaa mushaaraad siin doonaan dalalka heshiiskan hirgalintiisa taaba galinayaan.

Marinka Gaza waa la furi doonaa si badeecada iyo shaqaalaha Israaiil iyo Masar isaga gooshayaan u maraan .

Mudo hal sano gudaheeda waxaa lagu qaban doonaa doorasho dimuqraadiyad oo madax banaan si dowlada Falastiinta cusub madaxweyne u doortaan.

Hal sano kadib marka dolwad rasmi ah Falastiinta cusub loo sameeyo iyada iyo Israaiil waxay is dhaafsan doonaan maxaabiista labada dhinac kala heestaan.

Mudo 5-sano gudaheeda dekad iyo Airport ayaa loo sameyn doonaa Falastiinta cusub.

Xuduudaha Israaiil iyo Falastiinta cusub waa loo furi doonaa si labada shacab maraan iyo badeecadaha dhanka ganacsiga.

Waddo weyn oo isku xirto West Bank iyo Gaza ayaa la dhisi doonaa  waxaana 50% qarashaadkan bixin doono China halka South Korea, Australia, Canada, the US iyo EU mid walbo 10% qarashaadkan bixin doono.

Dooxada Urdun:

Dooxada Urdun (Jordan Valley) waxaa sii maamuli doonaan Israaiil. Sidoo kalena wadada 90-aad waxay noqon doontaa mid afar jiho loo sameeyo waxaana Falastiinta cusub la siin doonaa maamulka labo wado oo galaan dooxada Urdun.

Masuuliyada:

Haddii Xamaas iyo PLO diidaan heshiiskan inay saxiixaan Mareykanka waxay joojin doonaa taakuleyna dhaqaale oo ay haatan siiyaan Falastiin sidoo kalena wadan kale oo caalamka ka jiro wax caawinaad ah Falastiin ma siin doono dhaqaale ahaan.

Haddii PLO heshiiskan saxiixdaan balse Xamas diidaan inay saxiixaan heshiiskan hogaamiyaasha labada dhinac ayaa masuul ka noqon doonaan wax walbo oo qaldamo.

Haddii dagaal cusub uu dhex maro Israaiil iyo Falastiinta Gaza waxay Mareykanka garab siin doonaan Israaiil.

Haddii Israaiil diido heshiiskan inay saxiixo Mareykanka waxay joojin doonaan caawinaada dhaqaale oo ay Falastiin siiyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
caasimada@live.com