KENYA oo ka walaacsan ’isbahaysi xooggan oo uu abuuray FARMAAJO’

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa ka walaacsan isbahaysi xooggan oo Soomaaliya ay ka abuurtay gobolka, taasi oo horseedi karta in Kenya ee gooni ka noqoto gobolka islamarkaana la wiiqo saameynteeda.

Kenya oo horey u rumeysneyd in Soomaaliya ay saaxib dhow la noqotay Itoobiya iyo Eritrea, ayaa sida wargeyska Daily Nation waxay iminka ka walaacsan tahay in isbahaysigaas ay sidoo kale kusoo biirtay Tanzania.

Kenya waxay sheegtay inay aad uga walaacsan tahay kulan dhawaan dhexmaray madaxweynaha Tanzania John Magufuli, iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Dowladda Kenya ma sheegin halka uu ka dhacay kulankan iyo waxa looga hadlay.

Si kastaba, xukuumadda Nairobi ayaa sheegtay in madaxweyne Farmaajo oo xiriir dhow la leh Eritrea iyo Itoobiya uu doonayo in Tanzania uu ku daro isbaheysi goboleedka.

Tanzania iyo Kenya waxaa sidoo kale ka dhaxeeya muran dhinaca badda ah, waxaana haddii Soomaaliya iyo Tanzaniya ay ka guuleystaan Kenya noqoneysaa dal dekad leh laakiin aan lahayn meel ay maraakiibta u soo maraan, sababta oo ah dhul-badeed badan oo iminka ay sheegato waxaa ku jira muran oo waxaa kala sheegtay Soomaaliya iyo Tanzania.

Haddii Kenya looga guuleysto labad kiis ee Soomaaliya iyo Tanzania, waxa ay ku qasbanaan doontaa in dalalka Soomaaliya iyo Tanzania ay fasax weydiisato si maraakiibta u socota Mombasa ay u maraan biyahooda una gaaraan dekadda Mombasa halkaas oo ay ku tiirsan yihiin dalalka Uganda, Koofurta Suudaan, iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com