29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

KENYA oo laga diiday in si qasab ah ay dib ugu celiso Soomaalida

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada online) Hishiiskii horaantii bishaan ay kala saxiixdeen dowlada Kenya iyo Soomaaliya iyo Hayada qaxootiga u qaabilsan QM ayaa dhigayay in si aan qasab aheyn lagu soo celiyo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya, sida uu mar kale sheegay afhayeenka UNHCR oo wariyaasha kula hadlay magaalada Geneva.

Adrian Edwards,  afhayeenka hayada QM ee Qaxootiga ayaa sheegay inaysan jiri doonin in dadka Soomaaliyeed si xoog ah dalkooda loogu soo celiyo, laakiin lasoo celin doono dadka doonaya kaliya.

UNHCR ma taageeri doonto in si xoog ah dadka qaxootiga loosoo celiyo”ayuu yiri afhayeenka UNHCR, isagoo ka jawabayo hadalo kasoo yeeray dowlada Kenya.

Dowlada Kenya ayaa marti gelisay qaxooti badan oo Soomaali ah oo QM ay ku sheegtay inay gaarayaan 470,000 kuwaasi oo ku jira xerada ugu weyn ee qaxooti ee dalka Kenya.

“UNHCR waxay u shaqeysaa oo ay u hadlaysaa qaxootiga maalin kastaa, laakiin booqashadii Dhadhaab waxay qaxootiga siinaysaa fursad ah in saraakiisha sar sare ee Somalia ay weydiiyay halka ay doonayaan inay ku laabtaan”ayuu hadalkiisa ku daray Adrian Edwards afhayeenka UNHCR.

Qaramada Midoobay ayaa wado qorshe ku aadan in dib loosoo celiyo ilaa bisha Janaayo tiro kamid ah qaxootigaasi ee ku sugan dalka Kenya, waxaana dhawaan masuul u hadlay UNHCR uu sheegay inay gacan weyn ka geysan doonaan soo celinta qaxootiga.

UNHCR ayaa sidoo kale diyaarinaysa qorshe diyaarad dadkaasi loogu geynayo  seddex degmo oo ka tirsan Somalia oo kala ah Baydhabo, Luuq iyo Kismaayo.

Caasimada online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News