29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Wadan kale oo kusoo biiray howlgalka ladagaalanka Burcad Badeeda

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada online) Koox ciidamo ah oo gaaraya 12 xubnood oo ah guuto qaas ah oo ka mid ah ciidamada Sebia ayaa maanta la filayaa inay gaaraan dalka Jabuuti, kuwaasi oo maalmo ka dib si rasmi ah u bilaabaya ka qeyb galka howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada dowlada Serbia Ljubisa Dikovic ayaa maalintii shalay sheegay in soo sagootiyeen ciidamada oo ku sugnaa xero ciidan oo ku taala deegaanka Panveco, kuwaasi oo barka hore qorshaha uu yahay inay ka tagaan magaalada Istanbul kadibna ay usii gudbaan dalka Jabuuti,iyagoo howlgalka la dagaalanka burcad badeeda ka bilaabi doona xeebaha gacanka Cadan.

Mr Dikovic ayaa sheegay in muhiimada ay tahay in midowga Yurub ay ku biiraan ciidamada dowlada Serbia, iyagoo sameynayo weeraro ka dhan ah burcad badeeda, isagoo dhanka kale cadeeyay in ciidamadaasi ay qaateen tababar dheraad ah.

Xaflad lagu sagootinayay ciidamadaasi ayaa waxaa hadal ka jeediyay hogaamiyaha ciidamada loosoo xirayo xeebaha Soomaaliya Ivan Tanaskovic, isagoo u mahad celiyay isaga iyo asxaabtiisaba  dowlada Serbia sheegayna inay waajibkooda si wanaagsan u gudan doonaan.

Ciidamadaasi ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwo tababar in muddo ah qaatay, kuwaasi oo lasoo xulay, waxaana tababarka dowlada Serbia ka taageeray dowladaha Greece iyo Faransa.

Ciidamada ayaa ku biiraya howlgalka loogy magac daray Atlanta ee la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya, kuwaasi oo kooxaha burcad ah ka difaaca maraakiibka shixnadaha gargaarka wada iyo maraakiibka isaga kala goosha xeebaha Soomaaliya iyo meelaha ka baxsan.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News