Kenya oo maxkamadda ICJ si rasmi ah uga dalbatay in la hakiyo dacwada badda

Nairobi (Caasimada Online) – Xeer-ilaaliyaha guud ee Kenya, Paul Kihara ayaa warqad rasmi ah oo uu u diray maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ ku codsaday in la hakiyo dhageysiga dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Kihara ayaa qoraalkiisa ugu cudur daartay in Kenya ay dooneyso inay qorato koox cusub oo ah qareeno difaaca, sidaas darteedna ay u baahan tahay waqti dheeri ah.

Dhageysiga dacwadda ayaa waxaa la qorsheeyey in u dhaco maalmaha Isniinta illaa jimcaha ee 9-ka illaa 13-ka bishan September. Hase yeeshee xeer-ilaaliyaha guud ee Kenya, Paul Kihara ayaa qoraalkiisa ku sheegay “sababo la xiriira duruufo aan caadi ahayn” dartood in Kenya aysan tegi doonin maxkamadda.

Qoraalka ayaa intaa ku daray inay arrin muhiim iyo cadaalad tahay in wakiilo ka socda Soomaaliya iyo Kenya ay joogaan dhageysiga.

“Xeerarka maxkamadda ayaa ogolaanaya hakinta dhageysiga kiiska, si labada dhimnac loogu ogolaado furad lagu matalo” ayuu Kihara ku yiri qoraalkiisa.

Qoraalka Kenya ayaa imanaya ayada oo Soomaaliya ay laba toddobaad ka hor diiday casuumad uga timid Midowga Afrika, si arrintan looga wada-hadlo, kadib markii ay sidaas dalbatay Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa iyana diiday in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda, sida ay ilo-wareedyo ka tirsan dowladda u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com