Xog: Ciidamada KHEYRE oo xiray ilaalada Shiikh Shaakir iyo Macallim Maxamuud

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ciidamada ilaalada ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali KHEYRE, ayaa maanta figeeyay islamarkaana muddo saacad ka badan ah xiray askar ilaalo u aheyd madaxa xukuumadda Galmudug iyo hogaamiyaha Ahlu-Sunna Macalim Maxamuud Sheekh Xasan.

Arrintaan ayaa ka dhacday madaxtooyada magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug, waxaana ka dhashay doodo badan oo aad looga hadal hayo magaalada.

Arrintaan ayaa waxaa sababay kadib markii hogaamiyaha Ahlu-Sunna Macalim Maxamuud iyo madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir ay damceen in ay galaan madaxtooyada Galmudug si ay kulan ula yeeshaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaana ilaaladooda lagu amray in ay hubka dhigaan oo aysan hub lageli karin halka uu joogo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Sheekh Shaakir iyo Macalim Maxamuud ayaa u galay ra’iisul wasaaraha waxayna la qaateen kulan gaar ah, iyagoo ka dhaqaajiyay ilaaladooda oo garba duub u xiran sida ay noo sheegeyn goobjoogeyaal.

Labadaan hogaamiye ayaa markii hore si caadi ah ilaaladooda ula geli jiray halka uu joogo ra’iisul wasaaraha, balse markaan sidii hore waa iska badashay xaaladda iyadoo ay muuqato in la wiiqay awooddii Ahlu-Sunna ee Galgaduud.

Ciidankii la xiray ee ilaalada u ahaa madaxda Ahlu-Sunna ee gobalada dhexe ayaa la soo sheegayaa in markii dambe uu amray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya in la sii daayo balse aysan soo gelin gudaha madaxtooyada inta uu joogo ra’iisul wasaaraha.

Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay madaxa Galmudug iyo hogaamiyaha Ahlu-Sunna Macalim Maxamuud oo arrintaan ku saabsan.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusomareeb
caasimada@live.com