Kenya oo Nairobi ku xirtay gudoomiyihii J/Hoose oo abaabul ka waday Jubaland

Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada booliska dalka Kenya ayaa magaalada Nairobi ee dalka ka Kenya ka qabtay Cabdirashiid Cali Gooni, oo ahaa guddoomiyaha gobalka Jubada Hoose ee maamulka Jubaland.

Guddoomiyaha ayaa xiran muddo ku dhaw todobaad, waxaana ilaa hadda aan la ogeyn sababta loo xiray balse waxaa ka soo baxaya warar kala duwan.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in guddoomiyaha markii la xirayay uu ku sugnaa shir ka dhacayay Nairobi, oo ay ku kulmayeen masuuliyiin Kenyan ah oo gobolada dalkaasi qaabilsan.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay u xireen sabab la xariirta in ay ka shaki qabaan in gobalka uu ka billaabo abaabul kadib markii uu dhowr jeer la fariistay Cabdirashiid Xidig oo ay qaraabo yihiin, sidoo kalane ka tirsan raga sheegta madaxweynaha Jubbaland.

Dad ku sugan Kismaayo oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay in guddoomiyaha la xiray lana ogeyn sababta markii la weydiiyay Kenya-na ay sheegtay in ay uga shakiyeen abaabul uu waday oo gobalka lagu keenayo ciidamada dowladda Soomaaliya.

Cabdirashiid Cali Gooni waxa uu muddo dheer ahaa guddoomiyaha gobalka Jubada Hoose ee Jubaland. Waxay sidoo kale qaraabo yihiin Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo ka tirsan Jubaland lamana oga sida ay ku dambeyn doonto xaaladiisa oo ay ka walaacsan yihiin qaar ka mid ah ehelkiisa.