CC SHAKUUR oo dalab ka dhan ah ciidanka Haramcad iyo Gorgor u diray Turkiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal kooban soo dhigay barta fariimaha gaa-gaaban ee Twitter-ka ayaa ka hadlay arrimaha ciidamada, gaar ahaan, sida ay u howlgalaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad & kuwa Gorgor.

C/raxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in ciidamada labadaasi talis oo ay tababartay dowladda Turkiga loo adeegsado arrimo siyaasadeed, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey inay ka qeyb qaateen dagaalladii ka dhacay magaalooyinka Dhuusamareeb, Baydhabo iyo Beled-Xaawo.

“Haramcad iyo Guutooyinka Gorgor waxaa tababaray oo maalgaliyey Dowlada Turkiga. Waxaa loo isticmaalay faa’iido siyaasadeed oo sababay khilaaf gudaha ah. Waxay qayb ka ahaayeen dagaalladii Dhuusamareeb, Baydhabo iyo Gedo. ”ayuu yiri CC Shakuur.

Sidoo kale wuxuu ka dalbaday dowladda Turkiga inay dib u eegis ku sameyso taageerada dhaqaale iyo midka tababar ee ay siiso ciidamada Haramcad & iyo kuwa Gorgor.

Qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa imaanaya, iyadoo ciidanka Haramcad iyo kuwa ka tirsan Gorgor la sheegay inay ka qeyb qaateen dagaalkii dhowaan ka dhacay magaalada Dhuusamareeb iyo midkii Isniintii ka dhacay duleedka degmada Beled-Xaawo.