Wararkii ugu dambeeyey ee magaalada Mandhera iyo isgaarsiinta oo laga jaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari, dalka Kenya ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaaladaasi, kadib dagaalkii Isniintii la soo dhaafay ka dhacay Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Ilo deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in weli ciidanka Jubbaland ay ku sugan yihiin Mandhera.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in tan iyo saqdii dhexe ee xalay ay hawada ka maqan tahay isgaarsiinta degmadaasi, lamana oga sababta ka dambeysa arrinkaasi.

Sidoo kale waxaa xiran goobaha waxbarashada, ganacsiga, iyadoona illaa iyo hadda aysan shacabka ku laaban xaafadaha uu saameeyay dagaalkii dhacay Isniintii.

Mandhera oo xuduud la leh Beled-Xaawo ayaa waxaa saameyn daran ku yeeshay dhaq dhaqaaqyada ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay ka wadaan xadka Soomaaliya.

Maamulka iyo xildhibaanada baarlamaanka dalka Kenya ee laga soo doorto degmadaasi oo saacadihii la soo dhaafay la hadlay warbaahinta ayaa sidoo kale dalbaday in wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland C/rashiid Janan iyo ciidamadiisa ay isaga baxay halkaasi.

Arrimahaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu haatan aad u xun yahay xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii labada wadan ay eedeymo culus isu mariyeen dhanka warbaahinta.