Siyaasiyiin awood leh oo wasaarada caafimaadka ka hor-istaagay in isbitaalka Yardameli lala xisaabtamo

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowaanahan waxaa taagnaa khilaaf xooggan oo ka dhaxeeya wasaaradda caafimaadka Soomaaliya iyo isbitaaka Yardımeli Hospital ee magaalada Muqdisho, kaasi oo keenay in wasaaradda ay si rasmi ah u shaaciso in ay hay’adda Yardımeli ay si sharci darro ah dalka ku joogto.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in shaqadii isbitalka laga weeciyey ujeedkii loo dhisay oo ahayd dan guud, waxayna wacad ku martay inay la xisaabtameyso haya’dda Yardımeli.

Wasaarada caafimaadka ayaa sidoo kale si rasmi ah u burisay heshiisyada ay sheegatay in markii hore lagu maamulayey isbitalka, kuwaas oo hay’ad kale ay ku sameysay qaab dalaalnimo ah.

Isbitaalka Yardımeli, oo ay dhistay hay’adda Yardımeli oo ah hay’ad Turkish ah, ayaa markii hore loo dhisay bulshada Soomaliyeed, looguna talo galay inuu bixiyo adeeg caafimaad oo bilaash ah, kaasi oo lagu caawinaayo dadwaynaha Soomaliyeed.

Si katsaba, waxaa soo ifbaxday in isbitalka uu isu beddelay mid ganacsi, oo ay ku lug leeyihiin ganacsato iyo siyaasiyiin saami ku leh, sida ay sheegeen xubno ka tirsan wasaaradda caafimaadka.

Isku daygii ay wasaaradda ku dooneysay in isbitalka nidaamkiisa lagu saxo, islamarkaana uu ku helo sharciyada iyo ruqsadaha saxda ah ee wasaaradda caafimaadka, ayaa waxaa is-hortaagay ganacstada iyo siyaasiyiin awood leh, sida ay xubno ka tiran wasaaradda u sheegeen Caasimada Online.

Ganacasatadan iyo siyaasiyiintan ayaa la rumeysan yahay inay galaangal xoogan ku leeyihiin xafiisyada Ra’iisul wasaaraha iyo madaxwaynaha, taasi oo u fududeysay inay ka hor-istaagaan wasaarada caafimaadka inay gudato waajibkeeda la xisaabtanka hay’adda Yardımeli iyo in loo soo celiyo isbitaalka inuu ahaado dan guud.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in ganacsato iyo diblomaasiyiin Turkish ah ay ku lug yeesheen in la wiiqo awoodda wasaarada caafimaadka, taasi oo hadda u muuqata in loolanka looga adkaaday.